|

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ee Somalia Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

Muqdisho 18.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam ayaa ka badbaadey, qarax miino oo lala eegtey kolonyo gawaadhi ah oo uu la socdey.
Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo Carbiska, waxaana qaraxu qabsadey mid kamid ah gawaaridii la socotey Shariif Xasan Shiikh Adam, inkasta oo aan la sheegin khasaare nafeed oo dhacdey.

Shariif-XasanSida wararka la helaayo sheegayaan qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso isla markaana aalad laga hagaayey.

Madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa VOA-da uga waramey qaraxa kolonyadiisa lala beegsadey, wuxuu shegey in aysan jirin dhib soo gaartey, isla markaana loo sheegay in qarax dhacay. Ma jirto cid sheegatey in ay qaraxaas ay ka danbeeyeen

Comments are closed