Xuska Munaasibada 18 May iyo Wadanka Australia iyo Qabsoomida Munaasibada 18 May SAWIRO
Melbourne 18.May 2015 (SDN/QJ)- magaalada Melbourne ee dal weynaha Ustareeliya (Australia) ayaa Waxaa ka Qabsoontay xuska 18-ka May oo ay soo qabanqaabiyeen ururka jaaliyada reer Somaliland ee magaalada Melbourne. Ee loo yaqaano Somaliland Union of Victoria. Waxa hadaba xafladan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan ayaa waxa goobtaas laga soo jeediyey qudbado, waxaana lagu soo bandhigay heeso iyo dabcan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.
Waxa isaguna goobtaas qudbad ka jeediyey safiirka Somaliland ee dalkan Australiamudane Mohamed Ismail Hussein “Balishire” isagoo ka hadlay kuna dheeraday macnaha ay leedahay xuska 18-ka May isla markaasna jaaliyada ugu baaqay in ay had iyo jeer isku duubnaadaan oo aanay saamayn ku yeelan khilaafaadka siyaasadeed ee dhawaanahan Somaliland ka soo if baxay isla markaasna jaaliyada kula dardaarmay in xooga la saaro sidii dalkan ictiraaf buuxa loogu raadin lahaa. Waxa kale oo Safiir Balishire uu goobta ka sheegay habeenkaas in xafiiska dawlada Somaliland ee Somaliland Mission Australia uu qaban qaabin doono banaanbax weyn oo lagu muujin doono qadiyada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland kaas oo ka qabsoomi doona barxada hore ee Baarlamaanka dalkan Ustareeliya.
Hadaba ugu danbayntii waxa wadanka Ustareeliya (Australia) uu xaq u yeeshay in uu mar walba noqdo wadanka ugu horeeya ee laga xuso xuska 18-ka May. Waxa xafiiska Somaliland Mission Australia uu casuumad u fidiyey madax sar sare oo ka tirsan dawladan dalkan Australia si ay taariikhda markii ugu horeysay uga qayb qaataan. Madaxdaas oo kala ahayd Senator Michealea Cash oo ah wasiirka arimaha haweenka iyo bulshada ee dawlada Federalka Australia. Iyo Madaxa dawlad goboleedka Victoria, The Premier of Victoria The Hon. Daniel Andrews. Wasiirka maaliyada iyo Arimaha jaaliyadahaThe Hon. Robin Scott iyo Madaxa booliska Victoria Assistant Commissioner of Victoria Police. Commissioner Luke Cornelius. Iyo Mayorka Xaafada Greater Dandenong City Council. Mayor Sean O’Reilley.
Hadaba wakhtiga oo aad u cidhiidhi ahaa awgeed, way noo suurto geli wayday in madaxdaasi ka soo qayb gasho xuska 18 May, laakiin waxay dhamaantood xidhiidh la soo wada samayeen xafiiska Somaliland Mission Australia waxaanay balan qaadeen in ay sanadka danbe si weyn oo mug leh uga qayb qaadan doonaan xuska 18 May. Waxase hadaba nasiib wanaag ah in uu nala dabaal degay markii ugu horeysay madaxa Booliska Victoria Commissioner Luke Cornelius.
Isku soo wada duubo waxa habeenkaasi ahaa habeen shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalweynaha Australia ay shucuurtooda ku miijinayeen in Somaliland ay socotay soo noqodna aanu Jirin.
“Ladies and gentlemen, we must stay the course even if it takes one hundred years. No matter how hard it’s, no matter how long it might take. We will get there and we will indeed prevail”