|

Dalka Sweden iyo Sida looga Xusay Xuska Munaasibada Qaran ee 18 May iyo Wasiir Xaglo Toosiye oo ka Qayb galay SAWIRO

Malmo 18.May 2015 (SDN/QJ)- Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal-dagayay Maalinta qaranimada Somaliland ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Malmo ee dalka Sweden.

Xafladii loo Sameeyey Sanad-guurada 24aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland dib ula soo noqotay xorriyadii ka luntay 18-ka May 1991-kii,ayaa waxa ka qeybgalay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye),Safiirka dalka Sweden Rooda Maxamed, waxa kale oo ka soo qeybgalay Fanaaniinta Maryan Mursal Ciise, Cabdirisaaq Saleebaan Gaas, Axmed Maxamuud Zaki, Faysal Yuusuf Yare, Faarax Cawil (Faarax Murtiile), guddoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland ee Malmo Jaamac Cusmaan Iyo Kuxigeenkiisa iyo Jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi ku nool.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inaan Somaliland la kala lahayn,balse la wada leeyahay.

“Waxaan ku bogaadinayaa Jaaliyada reer Somaliland Malmo ku nool sida qiimaha baddan ee ay I soo dhaweeyeen, iyo weliba sida way ee ay xuska weyn ugu sameeyeen maalinta qaranimada Somaliland 18-ka May”.Ayuu yidhi Wasiir Xaglo.

Sida uu ku soo waramayo Weriye Mahad Aw Kadleeye oo halkaasi ku sugan ayaa waxa uu sheegay inay Xafladani tahay Xafladii ugu weynayd ee ka dhacda magaalada Malmo ee dalka Sweden shanti sanadood ee ugu daneysay,
a

www1

xxxxxxxx

eeeeeeeeeeeeeeeee

vvvvvvvvvvvvvv

bbbbbbbbbbbbbb

hhhhhhhhhhhhh

yyyyyyyyyyyyyyy

Comments are closed