|

Kenya Oo Sheegtay Inay Qabatay Sarkaal Hawl Muhiim ah u Hayey Xoogagga Al-shabaab

Mombasa:May,17,2015(SDN/QJ)-Saraakiil sare oo katirsan Ciidamada Kenya, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal katirsanaa Kooxda Al-shabaab oo la sheegay inuu Gobolka Xeebta ka ururin jirey Dhaqaale Tiro badan, isla-markaana qorista dhalinyarada ku hawllanaa.

xebrTaliyaha ciidamada booliska ee magaalada Mombasa Robert Kitur ayaa sheegay iney qabteen 45 sano jir lagu magacaabo Cabdalle Saalim Bindo, kaasi oo Alshabaab la sheegay inuu dhqaalo ku taageeri jiray.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu dhalinyarada ka qori jiray deegaanada Likoni iyo Kwale oo ka tirsan gobolada Xeebta ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in ruuxaasi ay ka qabteen maqaayad ku taala Mombasa iminkana ay su’aalo weydiinayaan ciidamada amaanka ee dalka Kenya.

Taliyaha wuxuu sheegay iney baadhitaano ku wadaan ruuxaasi looga shakiyay inuu alshabaab dhaqaalo badan ku taageerayay., mana jirto faahfaahin intaasi dhaafsiisan uu bixiyay sarkaalkaasi.

Wuxuuna sheegay in dib dambe ay faahfaahin intaasi dhaafsiisan ay ka bixin doonaan marka ay baadhitaanadu dhameeyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed