Xukuumada Somaliland oo Ciidamada Amaanka ku amartay in Cidii isku dayda inay dilaan ay Iyagu Khaarajiyaan DAAWO
Hargaysa 17.May 2015 (SDN/QJ)- Waxay Shalay Galab Magaalada Hargaysa Gaar ahaan Xabaalaha Naasa hablood aas qaran loogu sameeyay Laba Askari oo ka Tirsan Ciidamada Booliska Somaliland oo ku Geeriyooday Halgal ay ka fulinayeen Cidhifka Galbeed ee Caasimada hargaysa gaar ahaan Bogcad ay laba reer isku haysteen Lahaanshahooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan go’aansadeen inay Ciidamada amaawiir buuxda ku siiyaan In cidii isku dayda inay disho ay Khaarajiyaan.