|

Jaamacad Siyaasadaha caalamka lagu barto oo abaalmarin ku bixisay Warbixin Somaliland laga qoray oo talooyin loogu jeediyey Ingiriiska

London, 17 May, 2015-(SDN/QJ)- Machadka Culuumta Siyaasadda ee Jaamacadda Kings ee Ingiriiska, ayaa abaalmarin ku bixiyey qoraal ugu baaqay Xukuumadda Britain inay ka faa’iidaysato fursado dhinaca Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Istaraatijiyadda ah oo ku jira Aqoonsi ay u fidiso Jamhuuriyadda Somaliland, si nidaam cusub oo diblomaasiyadeed iyo arrimo dibedeed caalamka ka abuurto.

JAAMBarnaamij tartan oo Jaamacadda Kings dhex-dhigtay Ardayda dhigata inay ka qoraan fikradahooda beddeli kara Siyaasadaha caalamka, ayaa qoraal loogu magac-daray; “Nabadda Afrika: Qiimaha Jamhuuriyadda Somaliland” waxaanu Ardaygii qoray fikirkan tartanka ka galay Kaalinta labaad, isla markaana wuxu ku helay ama ku mutaystay in lagu siiyo qoraalkan abaalmarin.
Qoraalkan oo Arday lagu magacaabo Bakht Baryar oo Culuumta Siyaasadda ka dhigta Jaamacadda Kings, takhasuskiisuna yahay abuuritaanka dal cusub, is-maamulka waddamadda fashilmay, soo diyaariyey ayuu ku bilaabay sidan; “Xukuumadda Ingiriisku waxay u hurtay taageero horumarin gaadhaysa $550 Milyan illaa sannadkii 2011 Soomaaliya, balse saamayn iyo isbeddel ka dhashay taageerada weli ma muuqdo. Laakiin, su’aasha isweydiinta lihi waa: Sidaan uga abuuri karnaa xasillooni iyo nabadgelyo Geeska Afrika, isla markaana xal uga gaadhi karnaa hal-xidhaalaha Soomaaliya?
Xalka hal-xidhaalahu wuu muuqdaa, laakiin beesha caalamku way ku guul-darraysteen inay dareemaan, labaatankii sannadood ee u dambeeyey. Soomaaliya waa dal keliya khariidad ahaan, balse waxa jira dal madax-bannaan, oo leh Ciidammo u gaar ah, Hay’ado dawladeed iyo Xukuumad. Taasi waa Somaliland. Inkastoo beesha caalamku aanay aqoonsan, muddo 24 sannadood ah waxay ku naaloonaysay xasillooni iyo nidaam dimuquraaddi ah. Xaqiiqdii waa bogcad nabadeed ku taal Saxare qalalaase ah.
Maxaa keenay in Somaliland ka duwanaato Soomaaliya? Dhinaca magaca, Miisaaniyadda, taageerada dibedeed iyo Dastuurka, dhammaantood gaar ayey u leeyahiin, waa Xukuumadda shaqeysa. Laakiin, Soomaaliya, oo ku tiirsan Ciidammada AMISOM, ma xukunto wax ka baxsan Muqdisho, taasoo bayaaminaysa kala duwanaanshahooda.
Waxa la marayaa wakhtigii isbeddelka. Ingiriiska oo taariikh fog iyo dhaqan la wadaaga Somaliland, waxa lama huraan ah inay ka jawaabaan, oo keliya aanay u dhisin Hargeysa inay noqoto xuddunta Ganacsi iyo isgaadhsiin, balse ka dhigato saaxiib dhaw.
Waxay ka faa’iidi kartaa fursado kala duwan sida Kalluumaysiga, Xoolaha iyo Shidaalka. Tujaarta Ingiriisku way dhiirrigelin karaan, isla markaana maalgelin karaan Kaabayaasha Dekedda Berbera, oo marin u noqon karta dariiq Ganacsi ee waddamada qaaradda Afrika ee ka go’doonsan Badaha.
Dhinaca kale, Somaliland waxay halbawle u noqon kartaa hawlgalka Ciidammaada Badda ee NATO si loo xailiyo Gacanka Carbeed, gacanka Caqaba iyo marinka Baa’bal mandab.
Waddamada Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya, waxay heshiisyo iskaashi ganacsi iyo gaashaandhig la waddaagaan dalalka Afrika, Adduunkuna waxa uu yaqiinsaday muhiimadda istaraaji-siyaasadeed ee qaaradda Afrika, maaddaama xuddunta dhaqaalaha caalamka mustaqbalka ay noqon doonto.
Sidaa darteed, fursadda Ingiriisku ku abuuri karo dal jiritaan sharci leh, Somaliland, waxay fure u noqon doontaa xasilloonida Geeska Afrika, iyo tusaale lagu deydo. Mustaqbalka fog, dhammaan waddamada Ingiriisku ku jiro waxa u madhxi doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan ammaanka iyo horumarinta Geeska Afrika. Ingiriisku waa inuu gadh-wadeen u noqdo qorshe aan dhiig-ku-daadan oo lagu abuuro waddan (Somaliland) iyo nidaam cusub oo diblomaasiyadeed iyo arrimo dibedeed ee caalamka.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ardaygaas oo qoraalkan ku mutaystay in abaal-marin lagu siiyo.

Comments are closed