“Go’aankaasi Waa Mid Aanu WADDANI Aqbali-karin, Xalkuna Waxa Weeyaan In Madaxweynuhu Ka Shaqeeyo Sidii Loogu Noqon…” Gudoomiye Cirro DAAWO
Hargaysa 11.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in Xisbi ahaan aanay aqbali doonin muddo kordhinta Golaha Guurtidu maanta u samaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Guddoomiye Cirro oo maanta warbaahinta la hadlay ka dib go’aankii muddo kordhinta ahaa ee Guurtudu gaadhay waxa kale oo uu sheegay in xalku ku jiro in Madaxweynuhu daadafeeyo go’aanka Guurtida oo dib loogu noqdo kii ay hore u soo saareen Komishanka doorashooyinku.