“Waa Rajiim Wakhtigiisii Dhamaaday Oo Anagu Aanan U Ictiraafsanayan Inuu Yahay Madaxweynii Qaranka” Siilaanyo
Hargeysa 11.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha hada Axmed Siilaanyo wakhtigii uu mucaaradka ahaa waxa si weyn loogu yaqaanay khudbado ka’kan kuwaas oo uu ku duri jiray madaxweynihii ka horeeyay oo mudo xileed ka badan kii loo doortay xilka ku kordhistay.
Waxa aad halkan ku arki doontaan Siilaanyo oo madaxweyne Daahir Rayaale ku tilmaamaya rajiim wakhtigiisii dhamaaday oo aanay madaxweyne u aqoonsanayan, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Wakhtiga dhamaaday ee rajiimkan maanta ah in aanan u arkin in kordhintoodu ay sharci tahay, waa rajiim wakhtigiisii dhamaaday oo anagu aanan u ictiraafsanayan inuu yahay madaxweynii qaranka, taas ayay taageerayaasha Kulmiye cadeeyeen, maalin walba way cadayn doonaan oo waa ay u soo bixi doonaan, maaha inaan dawlad xilkeedii dhamaaday sii dul fadhino madaxweynaha ayay ahayd inuu doorashooyinka qabto mar walbana dib ayuu u dhigayaa isaga oo ku dayanaaya kaligood taliyayaal Afrika ah, taanu diidanahay waa taas, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanan dalka dagaal galinayan oo aanu nahay kuwii u soo helgamay, waxaanu doonaynaa si muuqata oo cadaan ah in aanu umadda iyo dunidaba ugu sheegno, in dawlad aan doorasho diyaar u ahayn oo umaddii boobtay oo xuquuquliinsaankii ku tumatay u xalaalayn mayno sii joogitaan ay sii joogaan, cidii ka garnaqaysana diyaar ayaanu u nahay anagu.”