|

Doorka Ay Xukuumada Somaliland Ku Leedahay Xallinta Shaqaaqada Taleex Ku Dhexmartay Labada Beelood

Hargeysa 23.April 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ciidamada qaranka Somaliland oo gaadhay degaanka Taleex ay ku guulaysteen hakinta Dagaal laba cisho ka hor halkaasi ku dhex maray Beelo reer Somaliland ah.

CUKUSE“Waxaad maqlayseen maalmahanba, in gobolka Xaysimo xaruntiisa Taleex ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirtay shaqaaqo u dhexaysa laba Beelood oo walaalo ah, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.maaha markii u horaysay ee Xukumaddu baaqyo hore iyo ficilba Xukumaddu way samaysay. Isla markii shaqaaqadu dhacdo muddo saacado ah kadib waxaa  Taleex gaadhay Ciidanka qaranka Somaliland. Waxa uu halkaasi u tagay haddana u joogaa inuu gacan ka gaysto nabad galyada, lana shaqeeyo Madaxdhaqameedka, Culimada, guurtida iyo Ergada halkaasi iyagu u jooga Nabada ee uu hogaaminayo garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Ciidanku wuxuu la shaqaynayaa Maamulka gobolka, waxaanay noqotay hawsha uu halkaasi u tagay mid midho dhal ah,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu baaq u diray Beelaha halkaasi wada degan ee dirirtu dhexmartay “Anagoo ku hadlayna Magaca Jamhuuriyadda Somaliland shacbi iyo dawlad ba waxaanu ugu yeedhaynaa Dadkayaga Taleex, inay noqdaan dad caqligu ku soo noqdo oo nabada ka shaqeeya oo ay xasuustaan way ogyihiine inaanay colaadi waxba tarin bani’aadamka waxay yeesho mooyaane, inay gartaan inaan wiil iyo gabadh toona ku dhalan dagaalka ee ay ku dhintaan, inay gartaan inay keento colaadu nolosha oo khalkhal gasha iyo cabsi iyo inay keento dad dhalinyaro ah oo naftooda ku waaya,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed