|

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Golaha Guurtida Uga Digay Inay Sameeyaan Muddo-kordhin Baalmarsan Maalinta ay Komishanka Doorashooyinku Iclaamiyee

Hargeysa:April,23,2015(SDN/QJ)-Labada Xisbi-mucaarid ee Somaliland, Ucid iyo Waddani, ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Maanta ugu qabteen Magaalada Hargeysa, ayey ku shaaciyeen isda ay uga soo horjeedaan  in Guurtidu samayso Muddo-kordhin Baalmarsan midda ay Komishanka Doorashooyinku iclaamiyeen oo ah Kawda Bisha Lixaad ee Sanadka 2016-Ka.

finorGuddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Cali Maxamed Yuusuf(cali gurey) oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa ka digay in la sameeyo Muddo-kordhin ay Guurtidu ku dhiirrato oo ka badan inta Komishanku ku sheegeen inay ku qabanayaan Doorashooyinka.

“Waa In Laba Wax la kala saaraa muddo kordhinta iyo sida muddadaas dalka loo mamulo, madaxweynuhuna waa naga Qaybe waa inuu muddadaas digreeto ku faafiyaa oo ku dhiirradaas.” Ayuu yidhi Cali Gurey oo arrimahaas ka Hadlayey maanta.

Cali Maxamed Yuusuf waxa Guurtida ku adkeeyey inay Bulshada niyadeeda degenaanshaha ku soo celiyaan oo ay iclaamiyeen muddo kordhin ku siman muddada sanadka ah ee ay Komshanku ku dhawaaqeen inay diyaar ku yihiin.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi uurcadde oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Guurtidu ku hoggaansanaato dhawaaqii Komishanka, waxana uu xusay in xaaladda haatan ee waddanka lagaga Bixi karo kaliya in la soo saaro baaq iyo dhawaaq la mid ah midkii ay Komishanku hore u soo saareen.

Mudane Uurcadde waxa uu sheegay inaan shacabka iyo Asxaabta Mucaaaridka ah midkoodna aqbali Karin Mudo kordhin baalmarsan midda Komishanku hore u sheegeen, waxana uu xusay in mucaarid ahaanba ay hore u qaateen muddo sanad ah oo ah midda haatan ay Komshanku iclaamiyeen.

Dhawaaqa Maanta ee Axsaabta Mucaaridka, ayaa ka dambeeyey mid shalay kasoo yeedhay Madasha Wada-tashiga Iyo Toosinta qaranka oo la xidhiidhay digniin ka dhan Tallaabo baalmarsan midda Komishanka oo Guurtidu qalinka ugu duugto Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed