|

“Ma jirto shirkad la siinayo dekeda Berbera, iyada oo aan waxba inoo qaban” Duqay Reer Berbera ah

Hargeysa, 22 April, 2015 (SDN/QJ)- Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, ayaa ka hadlay xaaladda dekeda magaalada Berbera oo muddooyinkii u dambeeyay la isla dhexmarayay in xukuumadda talada haysaa ay ku wareejinayso shirkado ajaanib ah.

Xubnahan ayaa baaqyo u diray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, axsaabta iyo guud ahaan shacabka Somaliland, iyagoo xisbiyada ku dhaliilay qaabka mucaaradnimadooda iyo dhaliilaha ay xukuumadda u jeediyaan.

Ugu horeyn waxa madashaas k ahadlay guddoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle (Daba-lule), waxaanu yidhi, “Arrin muddooyinkan dambe soo noqnoqonaysay oo mudakarnimadii siyaasadd iyo mudakarnimadii wax sheega in badan inaga khal-khalisay ayaanu anaguna doonaynaa maanta (shalay) inaanu aragtidayada ka dhiibano, markaa anigu waxaan ka hadlayaa saddex qodob, ka ugu horeeyaa waxa weeye arrintan dekeda Berbera ee la wadhfinayo ee suuqa la wareejinayo, dalka waxaynu u igmanay madaxweyne, xukuumad, maamuleyaal iyo maareeyeyaal loo magacaabay, cid maanta dalkan uga lexejeclo badan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ma jirto, labada gole hortooda waa kii ka sheegay in afar shirkadood ay soo qorteen codsi, afartaas shirkadood tii Somaliland dadkeeda iyo dalkeeda anfacaysa ayaynu qaadanaynaa buu yidhi, maareeyaha dekeduna maalin uu la shirayay muruq-maalka dekeda waxa uu sheegay in tii ina anfacda afartaas shirkadood oo uu sheegay in weliba loo soo kireeyay cid inaga eegta oo baadha ayaynu u dhiibaynaa. Wax bari hore dacaayad laga dhigi jiraybaa maanta dhaboobay, wuxuu yidhi ninbaa hore u yidhi, “gubad kaan gubi doono, biciidka daaqi doona ee aan dili doono, suunkaan ka jeexi doono, sabeentaan ka iibin doono, sumalkay dhali doonto adaa umulee cabbuu yidhi, cabbi maayo bay tidhi” waa arrin sannado badani ka hadhsan yihiin, maantana inagaa halkaa marayna, markaa shirkadda lala heshiiyo ee timaada imisa sano ayay ku dhisaysaa deked tan imika jirta leeg? Waa waxaan inoo soo dhaweyn, cidda ina maal-geshaynaysaa markay dhamaystirto waxay inagu maal-geshaynayso ayuun baa heshiiskii markaa jiray la macaamilayaa, kaasoo noqonaya maxaa kharash ah ee shirkaddan ka galay dekedeena iyo sidaynu u siinaa, markaa waxay noqonaysaa sannado badan oo aan cayinayn.”

Guddoomiyaha Awal Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay. “ Ma jirto shirkad la siinayo dekeda Berbera, iyada oo aan waxba inoo qaban, waxaan leeyahay nin weliba ha u diyaar garoobo siyaasadda la isma siinayee siduu guul u keeni lahaa, guusha la keenayaa waa ninka ay ummadu u aragto inuu dantooda oo uu wanaagsan yahay ayay dadku codkooda siinayaan, laakiin ka caytamayana siin maayaan, ka guul-wadaha ahna siin maayaan, markaa kuwa guul-wadayaasha ah ee xukuumadda ka tirsanna waxaan leeyahay dadka ha ina nacsiinina.”

Oday Ismaaciil Seed ayaa isagana waxa hadalkiisii ka mid ahaa. “Arrintan dekeda ee laga hadlayo, waynu ognahay oo dekeda maamul baa inoo jooga, dawladna waynu leenahay, dawladdana qaarkood ha dhaliilaan oo ha yidhaahdaan meeshaan doonayaaye, laakiin waxa siyaasadda la yidhaahdaa waa iskuule ha soo bartaan oo ha bislaadaan.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Cali Daahir waxaana ka mid ahaa hadalkiisii. “Waxaan leeyahay mucaaradka waad arkaysaan xisbigii Kulmiye bari iyo sida loogu soo dhaweeya, galbeed-na diyaar baanu u nahay inaanu sidaa iyo si kasii weyn ugu soo dhaweyno.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed