|

Hay’adda UNICEF Oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Tirada Shaqaalaheeda Kaga Dhintay Weerarkii Garowe

New York:April,21,2015(SDN/QJ)-Kadib qaraxii abaabulnaa ee maalintii shalay Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Gaadhi Qaramada Midoobay lahayd, ayey Hay’adda Unicef Arrintaas kasoo saartay War-saxaafadeed ay ku sheegayso tirada shaqaalaha halkaas kaga dhimatay.

eekhHay’addu waxa ay sheegtay in afar kamid ahaa dadkii u shaqaynayey ku nafwaayeen Qaraxaas, kuwaas oo dalal kala duwan kasoo jeeda.

UNICEF ayaa sheegtay in 4 kale oo shaqaalaheeda katirsanaa in lagu dhaawacay Weerarka , kuwaasi oo xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato, loona qaaday dalka Kenya si loogu daweeyo.

Hay’adda ayaa waxay sidoo kale sheegtay in Qaraxa uu ahaa mid ku xidhnaa Gaadhi ay leedahay oo Shaqaalaheeda kasoo qaaday Hotel ku yaalla Garoowe, islamarkaana uu u waday Xaruntooda Magaaladaasi.

4 Shaqaale Ajnabi ah oo dalalka afrika iyo Asia kasoo kala jeeda   ayaa ku dhintay Qaraxa, halka inta kalena ay ahaayeen Soomaali u dhaqeynaysay UNICEF.

Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxa lala eegtay Shaqaalaha UN-ka ee Garoowe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed