“Shir Siyaasadeed Dhalanteed ah Looa Baahna” Wasiir Cukuse oo Shaaciyay inaan Shir Siyaasadeed haatan loo Baahnayn DAAWO
Burco 21.April 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaarada warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed daahir Cukuse oo magaalada Burco kaga qayb galay shirweynaha lagaga tashanayo arimaha dhulka ayaa sheegay in shirarka loo baahan yahaya ay yihiin kuwa lagaga hadlayo waxyaabo bulshada aayaheeda khuseeya, laakiin aan loo baahnayn in lagu baaqo shirar siyaasadaysan oo aan wax faa’iido ah lahayn.