|

Huteelkii Qaraxu ka Dhacay ee Centeral Muqdisho oo Dib loo Furay,Mulkiilaha oo Sheegay inuu is weydiiyo Siduu Ajaanib ugu noqday Muqdisho DAAWO

Muqdisho 21.April 2015 (SDN/QJ)- Mudo dhawr Todobaad ah ayay ahayd Markii Qarax Qasaare badan oo Dhimasho iyo Dhaawac lihi uu ka dhacay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Huteel Centeral.
Dadkii dhibaatooyinka dhaawac ka soo gaadheen Qaraxaasi Waxaa ka mid ahaa Raysal Wasaare Xigeenka Somalia oo hada daawayn ugu Maqan dalka Turkiga, Saraakiil dawlada Somalia ka tirsan iyo Dad Shacab ah,Maalinta qaraxu dhacay ayaa ahayd Maalinimo Jimce ah oo dad badani ay Salaada Jimce kaga Tukanayeen Masjid ku Yaala Dhismaha Huteelka iyadoo qofkii qaraxaas samayay ay ahayd haweenay ka shaqayn jirtay Huteel Centeral.
Mulkiilaha Huteel Centeral Muqdisho oo dhalasho ahaan ka soo Jeeda deegaanada Somaliland ayaa ku dooday inuu Mararka qaar is weydiiyo Sababta uu Muqdisho ugu Ganacsado kadib Markii Si aan Haboonayn loola dhaqmay isagoo dhibane ah.

Comments are closed