Ururka Qareenda Somaliland SOLLA oo ka talo bixiyay saamiqeybsiga Qaranka
Hargeysa April 20,2015(SDN/QJ)-Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA ayaa qoraal ay saxaafada uGu talo galeen waxa ay uga talo bixiyeen Saami qeybsiga beelaha Somaliland, qoraalkaa oo uu ku sexeexnaa Guddoomiyaha SOLLA ayaa sidan u dhignaa:
“waxaan soo jeedinayaa in aan beesha dhexe noqon habartii la-yidhi boqolka cad u qaybi haweenka,ee tidhi waxba is-dhaafin maayo, oo mid waliba amiguu igu wanaaagsan yahay”.
“Mudane Madaxweyne iyadoo loo baahan yahay in siyaasada Somaliland iyo Dastuurka qarankuba ay ka tarjumaan saami-qaybsiga (Power sharing) beelaha Somaliland oo ah in beelaha Somaliland loo xaq-sooro xaga saami qaybsiga. Inkasta oo aad wax ka qabatay tabashooyin badan oo ka jiray dhanka bariga iyo galbeedka labadaba, hadana wali waxa jira tabashooyin badan oo dhanka bariga ah, kuwaasi oo u baahan si qaranimadeenu taam u noqoto in wax laga qabto, waxaanan talo ku soo jeedinayaa mudane Madaxweyne in aad kursiga Maxkamada Sare aad ka dhex doorato Garyaqaanada ka soo jeeda Gobolka Sool, iyadoo ay joogaan sharciyaqaano khibrad iyo aqoon ba u leh sharciga, dadnimadooduna buuxin karto, kana soo shaqeeyay hay’adaha Garsoorka intii uu qarankani Jamhuuriyda Somaaliland jiray iyo intii ka horaysayba.
Mudane Madaxweyne iyadoo ay jirto in aan Dastuurka Somaliland u xaq-soorin beelaha Somaliland, oo aanu ka tarjumaynin nidaamka siyaasadeed ee Somaliland u baahan tahay in ay siyaasadeedu ku salaysnaato, oo aragti ahaana aan qabo in qaab-dhiismeedka Golaha Fulintu uu yeeshu Madaxweyne iyo Labo Madaxweyne ku-xigeen, si Dastuurkeenu u noqdo mid duruufteena iyo sida aynu u eegnahay ka turjumaya, taas oo ku xidhan wax-ka-badelka Dastuurkeena xiliga la gaadho ee ay haboonaato wax-ka-bedelkiisu, waxaan soo jeedinayaa in aan beesha dhexe noqon habartii la yidhi boqolka cad u qaybi haweenka, ee tidhi waxba is-dhaafin maayo, oo mid waliba aniguu igu wanaaagsan yahay.
Sidaasi daraadeed mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa in aad Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee aad magacaabi doonto ka dhex doorato Garyaqaanada u dhashay Gobolka Sool.
Allaa Mahd Leh
Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA)
Garyaqaan Fawsi Sh. Yoonis Xasan