Xawaaladihii Soomaalidu Ku Lahayd Kenya Oo La Joojiyey Iyo Sharraxaad Laga Bixiyey Hakinta Shaqadooda
Nairobi:April,08,2015(SDN/QJ)-Kadib weerar ay ku dhinteen ku dhawaad 150-Qof oo Arday u badnaa oo ka dhacay Jaamacadda Garisa, ayey Dawladda Kenay soo saartay Amar lagu xayirayo Xawaaladihii Soomaalidu ku lahayd dalkaas.
Xukuumadda, ayaa sheegtay inay hakisay shaqadii lacag xawileed iyo dhaqdhaqaaqyadii Maaliyadeed ee ay ku mashquulsanayeen ugu Yaraan 86-Shirkadood oo Soomaalidu leedahay iyo waliba shakhsiyaad la sheegayo in shaki laga qabo.
Talaabadan ayaa dowladda Kenya ay ku dooneysaa inay ku xanibto qulqulka lacago ay sheegtay inay gaadhaan ururka Alshabab ee Somalia.
Dhamaan 86-kan hey’adood ayaa sidoo kale lagu daray liiska arimaha ay dowladda isha gaarka ah ku heyso.
Afhayeen u hadlay Xawaalada soomaalida ee Kenya, ayaa sheegay in amarka Xawaaladahan lagu xayiray ay soo saareen Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Kenya, isla-markaana ay liiskan u gudbiyeen Baanka dhexe, kaas oo isaguna joojiyey shaqadii Xawaaluhu wadeen.
Afhayeenkani waxa uu sheegay in xawaaladaha la joojiyey ay tiradoodu gaadhayso ilaa iyo 13-shirkadood, balse ay weheliyeen Hay’ado badan oo ku Hawllan arrimaha Maaliyadda iyo Xisaabaadka, iyadoo aanay Meesha ka madhnayn shakhsiyaad Ganacsato u badan oo ku nool Gudaha Kenya, kuwaas oo lagu xidhiidhinayo xidhiidho ay la lahaayeen Ururka Al-shabaab.
Dhinaca kale, War ka soo baxay dowladda Somalia ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid waxa ay labaduba ka digeen in talaabada kenya ay ku xanibeyso xawaaladaha ay dhaawacdo nabadda iyo dhismaha dowladnimo ee curdanka ah ee Somalia.
SDN/QJ