Kor u Kaca Khasaaraha Dhimasho ee Jaamacada Gaarisa+ Ciidamo Tiro badan oo La Geeyay iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Khudbad Jeediyay
Gaarisa 02.April 2015 (SDN/QJ)- Ilaa iyo 15 qof ayaa ku dhimatay, 65 kalena wey ku dhaawacmeen weerar ay Koox Hubaysan oo dablay ahi ku Qaaday jaamacadda Garissa ee magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ilaa iyo haatan ay haystaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Laan-qayrta Cas ee Kenya, ayaa xaqiijiyay in 15 qof ay ku dhinteen weerarkaas halka in ka badan 65- qof oo qaba dhaawacyo kala duwan ay sheegeen in la geeyay Cisbitaalka Magaalada Gaarisa.
Sidoo kale labo askari oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkaas iyo qof shacab ah, ayaa iyagana la sheegay in dhaawacooda loo soo qaaday magaalada Nairobi kaddib markii lagu sheegay inuu ahaa mid aad u culus.
Dadka geeriyooday, ayaa iyagana lagu sheegay iney ku jiraan labo qof oo ka mid ahaa ilaalada Jaamacadaas, halka dableyda jaamacadaas weeraray tiradoodana lagu sheegay iney ahaayeen ilaa saddex nin oo aad u hubeysan, kuwaasoo wali ku jiro gudaha xaruntaas waxbarasho gaar ahaan qeybta ay ardaydu ka dagan yihiin Jaamacadaas.
Illaa 50 arday ayaa laga soo bad-baadiyay weerarkaas sida ay sheegtay Laan-qeyrta cas ee Kenya, waxaana laga cabsi qabaa in kooxdaas hubeysan ay halkaas ku afduubeen arday kale oo badan.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery, Taliyaha guud ee Ciidamada Bilayska Kenya Joseph Boinett iyo Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale, ayaa maanta tagay magaalada Gaarisa kadib weerarkaas iyadoo walina gudaha magaaladaas laga maqlaayo dhawaqa rasaasta ka dhaceyso gudaha Jaamacadaas.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay qorayaan dhawaan askar cusub oo 10,000 oo askari ah, si ay uga hortagaan weerarrada ay Al-shabaab Kenya ku soo qaadayso, isla markaana waxa uu ku dooday inuu ka xun yahay weerarkii lagu qaaday Jaamacada GAARISA.
Madaxweyanaha Kenya Uhuru ayaa sheegay in ciidamada amniga Kenya ay qaadeen tallaabooyinkii loo baahnaa in laga qaato weerarka ay Al-shabaab maanta ku soo qaadeen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay weli gacanta ku hayaan kooxihii weeraray.
“Waxaan ka xumahay inaan Qaranka Kenya u sheego inay kooxo argagaxiso ah ay maanta weerareen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ardayda qaar ka mid lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay, halka tiro kalena ay afduub u haysataan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Kenyatta.
Uhuru Kenyatta waxa uu ugu baaqay shacabka reer Kenya in la joogo waqtigii shaqsi walba oo Keenyaan ah uu muujin lahaa feejignaan inta aan cadowgeenna dagaalka kula jirno tan iyo inta aan ka guuleysanayno cadowgeenna ama aan cagta marinayno. “Waxaan ugu baaqaya Shacabka reer Kenya inay muujiyaan deggenaan,”.Ayuu yidhi, isaga oo oo hadalkiisa sii watana waxa uu xusay in dhawaan ay u soo gudbin doonaan wixii horumara ah ee laga gaadhay weerarka Al-shabaab.
Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Nadiif Jaamac, ayaa dhankiisa ka hadlay weerarkaas wuxuuna wax lagu xumaado ku tilmamay in la waxyeelo arday aanan waxba galabsanin oo ku jiro xaruntoodii waxbarasho.
Dadka deegaanka, ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in howl-gal culus ay ka wadaan banaanka jaamacada Ciidamada difaaca Kenya ee KDF iyo waliba kuwa Booliska oo hareereeyay dhismaha jaamacadaas oo ay gudaha ugu jiraan dableydii weerartay.
Ciidamada, ayaa sidoo kale la sheegay iney xidheen agagaarka isbitaalka weyn ee magaalada Gaarisa oo ah halka la iskugu geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.
Warar aanan la xaqiijiin, ayaa dhanka kale waxey sheegayaan in kooxdaas hubeysan ay dadka kala saareen isla markaasna ay dileen qaar ka mid ahaa dadkii ay qabteen.
Goob joogayaal ayaa dhankooda waxey sheegeen in weerarkaas uu bilowday saaka abaaro 5:30-kii subaxnimo, Kaas oo ka bilaabmay Masaajid ku dhex yaallo jaamacada Gaarisa halkaasoo dableyda hubeysan ay dad ku dileen ka hor intii aynan u sii gudbin qeybta Ardaydu ay ka dagan yihiin jaamacadaas oo ay ku sugnayeen arday badan oo aanan Soomaali aheyn.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ugu baaqday xukuumadda Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, si ay weerarradooda uga nabad-galaan; haddii kalena ay ka geysan doonaan gudaha Kenya weerarro cawaaqib xun reeba.
Gaarisa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com