War Degdeg ah:Kooxo Hubaysan Oo Gudaha u Galay Jaamacadda Gaarisa iyo Dagaa Xooggan Oo Socda
Gaarisa:April,02,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Magaalada Garisa ee Gobolka W/Bari Kenya, ayaa sheegay in saaka aroortii hore ay kooxo Hubaysani Weerar ku qaadeen Jaamacada Garisa University College.
Kooxdan ayaa abaaro 4:30 xoog ku gashay Jaamacadaas, waxana ay halkaas ka geysteen Qaraxyo iyo Hub culculus, waxase aan la garanaynin khasaare halkaas ka dhashay oo wali dahsoon.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ragga hubaysan ee Jaamacadda galay iyo ciidanka ammaanka Kenya uu dagaal culus ku dhexmarayo gudaha Jaamacada,waxaana lasoo sheegayaa in qaraxyo waaweyn laga maqlayo gudaha Jaamacadda.
Lama garankaro khasaaraha halkaas ka dhacay inta uu le’egyahay, waxase weerarkaasi lahaa astaamaha weerarrada ay kooxa Al-shabaab qaaddo, waxana la filayaa inay faahfaahintiisu soo bixi doonto.
Jaamacadda Gaarisa ee ka weeraray ayaa waxaa dhigtay inta badan arday aan Soomaali ahayn oo kasoo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya,goobta ayaa waxaa gaaraya ciidamada kala duwan ee dalka Kenya oo u gurmanaya Jaamacadda la weeraray.
Wixiii kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com