Maxaad ka taqaanaa taariikhda siyaasadeed ee Madaxweynaha la doortay ee Nigeria?
Katsina April 02, 2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha la doortay ee dalka Nigeria Maxamedu Buhari ayaa hore waxa uu mar u ahaa madaxweynaha dalkaasi kiyoo awooda kula wareegay cudad ciidan.
Buhari ayaa sanadii 1983dii afganbi awoda kula wareegay kiyoo xiligaa ahaa General ciidamada hogaamiya, basle sanadii 1985kii ayaa isna awooda ciidan talada loogala wareegay.
Madaxweyne Buhari ayaa doorashadisii March ee sanadkan u aheyd tartankii afaraad ee xilka madaxweynenimo ee Nigeria ilaa mudadadii xilka laga tuuray.
Madaxweyne Buhari ayaa ka soo jeeda Gobolada Muslimku ku badan yihiin ee Woqooyiga oo sanadihii u danbeeyay ay kooxda Boko Haram qaska ka wadeen.
Madaxweynaha cusub ee Nigeria ayaa aqoontiisa ciidan ku qaatay dalalka India, UK iyo USA, balse horaantii sanadkan ayaa suaalo laga keenay in uu dhameystay waxbarashadisii dugsiga sare, maxkamada saree e dalkaas ayaa u fasaxday madaxweynaha in uu isu taago tartanka madaxtinimada dalkaaasi.
Madaxweynaha la doortay ee Nigeria ayaa shaaciyay in dalkaasi aanu ku dhaqi doonin Shareecada Islamka , arinkaa oo ay ka walaacsanaayeen masiixiga dalkaasi.
Mid ka mida gabdhaha uu dhalay madaxweyne Maxamedu Buhari ayaa waxa guursaday nin masiixi ah.
Sanadii hore ayaa madaxweynaha la doortay magaalada Kaduna lagula beegsaday qarax ay ku dhinteen 15 ruux, waana arin sawir ka bixineysa mawqifkiisa ku wejahan la dagaalaka kooxda Boko Xaraam.
SDN/QJ-Katsina
contact@qurbejoog.com