Xukuumada Somaliland oo Heegan Buuxa Gelisay Hawl wadeenada Caafimaadka ee Deegaanada Xeebta DAAWO
Hargaysa 02.April 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Heegan gelisay Shaqaaleheeda Caafimaadka ee ka hawlgala goobaxa Xuduudaha Dhulka, Badda iyo Madaarrada, ka dib markii ay bilaabmeen Qaxoonti ka soo cararay dagaallada waddanka Yemen ka socda oo kuwoodii u horreeyey ay soo gaadheen Xeebaha Berbera ee Somaliland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Yuusuf Axmed Cali oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxaanu ka warramay sababta ay heeganka u geliyeen Shaqaalaha Caafimaadka, meelaha ay ka hawlgalayaan iyo nooca xanuunnada ay ka shaki qabaan ee laga baadhi doono dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxaya dagaallada ka socda waddanka Yemen oo ay Somaliland Jaar yihiin, wadaagaanna dhinaca Xuduudka Badda.
Agaasimaha guud oo ka warbixinaya Shaqaalahaa heeganka ay geliyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-