LABADA DUULIYE MIDBAA KA MAQNAA QOLKA DIYAARADA LAGA HAGO MARKII DIYAARDU DHACDEY..!!!!!
Paris Mar 26,20159SDN/QJ)-Iyadoo wali lagu jiro baadhitaanka sababtii keenay burburkii diyaaradii ay laheyd shirkada Germanwings ee laga halaa dalka Germany , kuna dula dhacdey 24.03.15 buurleyga Alpena ee dalka France ee ,ayaa jawaabaha hor dhaca ah ee lagu helay baadhigtanka socda waxaa ka mida in la xaqiijiyey in mid ka mida labadii duuliye ee diyaarada wadey uu ka maqnaa halka Capinetka ama qolka yar ee diyaarada laga wado markii diyaaradu dhacdey.
Codadka laga dhegeystey alaada loogu yeedho The cockpit voice recorder ayaa sheegaya in labada duuliye ay si degan u wada hadlayeen intii lagu jirey duulimadka qeybtiisii hore oo dhan, lakiin labada duuliye ayuu midkood dibada u baxey, ka dib markii uu soo noqdey waxa u suuro geliweyay inuu iska furo Albaabka qolka yar, ka dib albaabkii ayuu gaaracey ilaa heer uu xoog u garaacey, wax jaabana kama helin saxiibkiisii qolka ku sii jirey aakhirkiina waxaabu isku dayey inuu jabiyo albaabka, taasna kumuu guuleysan.
Lama garanayo sababtuu uu Duuliyu uga baxey qolka yar, mid kale cidna ma oga inuu ninka albaabka ka xidhmey ahaa Captankii masuulka ahaa, iyo inuu ahaa kii labaad ee caawiyaha ahaa. Geesta kale dadka wax baadhaya ayaa ilaa hada aaminsan in duuliyaha labaad ee qolka ku hadhey uu miyir beel ahaa markii diyaaradu dhacdey
Captanka kowaad ayaa lagu sheegay inuu ahaa nin khibrad 10 sanadood ka badan badan u lahaa duulinta diyaaradaha, waliba nooca tan hada burburtey oo ah Airbus 320, isagoo oo u sameeyay in ka badan 6000 oo Duulimaad shirakdaha Lufthansa iyo Gemanwings oo ah shirakda laheyd diyaarada hada dhacdey.
Ninka masuulka aha shirakda Diyaaradaha Lufthansa Carsten Spohr ayaa aaminsan in dhaqso loo heli doono sababta keentay shilka diyaaradan. ”Waxaan hubaa inaan dhaqso loo helo doono jawaab degdega mar hadii aaney diyaaradu ku dhicin Biyo guudkood” Sidaa waxaa yidha ninkaa odeyga ah oo la hadlayey dadka wararka fidaya.
Qurbejoog.com
Osman O.Dool
Oslo Norway