Qatar Aiways Oo Duulmaadyo Ka Bilaabi Doonta Garoonka Muqdisho
Doha:Mar,19,2015(SDN/QJ)-Somalia, ayaa lagu wadaa inay dhawaan hesho duulimaayadii labaad ee ay diyaarad caalami ahi ku timaaddo muddo 20-sano ah, kadib markii Diyaarada Qatar Airways ay shaacisay inay duulimaadyo ka bilaabi doonto.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Axmed jaamac Jengeli ayaa sheegay in heshiiska dhinaca duulista hawada ee ay kala saxiixdeen dhigiisa Qatar uu suura gelin doono in diyaarada Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ku timaado Muqdisho iyo Doha.
“Heshiiskaas wuxuu yahay mid ahmiyad ballaadhan leh,waxaa ka mid ah in diyaarada Qatar Airways ay duulimaad Muqdisho iyo Doxa ka bilowdo”ayuu yidhi Mr Jengeli.
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo shalay ay heshiisyo ku kala saxiixdeen dhigiisa Qatar.
Sidoo kale waxaa heshiiskan qeyb ka ah dhinaca waxbarashada, iyadoo arday badan oo Soomaaliyeed ay fursad u heli doonaan inay waxbarasho u tagaan dalka Qatar.
Diyaarada kaliya ee caalami ee duulimaad ku timaada Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Istanbul ayaa ah diyaarada Turkish Airways oo sanadkii 2012 noqotay diyaaradii u horeysay ee caalami duulimaadka bilowda Soomaaliya muddo 20-sano ka badan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com