Sawirrada Sarkaal Hore Uga Tirsanaan Jirey Ciidamada Maraykanka, Haatanna Ku Biirayey Xoogagga Daacisho Oo Lasoo Bandhigay
New York:Mar,19,2015(SDN/QJ)-Warbaahinta Dalka Maraykanka, ayaa shaacisay Sawirrada iyo magaca Sarkaal hore uga tirsanaan jirey ciidamada Cirka waddanka Maraykanka oo Haatan ku Biirayey Xoogagga Daacish ee ka dagaallamaya Dalalka Syria iyo Ciraaq.
Sawarrada iyo magaca ninkan, ayaa waxa haatan baahiyey Wargeyska The independent oo soo xiganaya New York Times, waxana qoraalkaan lagu sheegay in sirdoonka Maraykanku arrintaas haatan ku war heleen.
Sirdoonka oo u waramaayay Wargeyskaasi ayaa sheegay in Askarigani laga ceydhiyay Howsha uu u hayay Mareykanka kadibna uu ku dhiiraday inuu ku biiro Daacish.
Wargeysku waxa uu qoray in askarigan mar aan sii fogayn shaqada laga eryay kadibna uu diyaarada ka raacay dalka Masar kana dagay Turkiga.
Sida wargeysku sheegay saraakiisha dalka Turkiga ayaa qabtay askariga kadibna dib ugu celiyay dalka Masar iyadoo Masarna ay dib ugu celisay dalka Mareykanka.
Mareykanka ayaa askarigii xabsi utaxaabay waxaana lagu eedeeyay taageerida ISIL Daacish, waxaana laga cabsi qabaa inuu muteysto Xabsi daa’im.
Mareykanku wuxuu sheegay in askarigan ka tirsanaa ciidanka cirka kombuyuutirkiisa laga helay cajalado dhan 180 oo jihaadi ah, qariirada xuduuda Turkiga iyo Suuriya iyo qoraal uu islaantiisa udiray.
Arintaani ayaa imaneyso iyadoo Sodomeeyo ruux kasoo jeeda dalka Mareykanka ay u talaabeen Meelaha ay ka arimiyaan Xoogaga Daacish, waxaana mar sii horeysay jiray in Askar hore oo ka tirsanaa wadamada reer galbeedka ku biireen Daacish.
SDN/QJ