|

“Shuruudda 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ee wadahadalka ONLF waa Dastuurka Siddeetanka Milyan leedahay markay sida Kiniinka u liqaan..” Madaxweyne Iley

Washington, 18 March, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Killalka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in guul ka gaadhista wadahadal dawladda dhexe la gasho Jabhadda ONLF ku xidhan yahay marka ay sida Kiniinka loo liqo oo kale u liqaan Dastuurka Federaalka Ethiopia ee ay si rasmi ah u sheegaan inay qaateen.

ileyMadaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa Booqasho ku joogaan waddanka Maraykanka, ayaa ujeeddada socdaalkooda ku sheegay mid ay kula tashanayaan Jaaliyadda Deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhalatay ee Maraykanka ku dhaqan sidii loo horumarin lahaa deegaannada dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ay Maalgashiyo kala duwan uga fulin lahaayeen Jaaliyadaha dibeduhu.
Cabdi Maxamuud Cumar oo u warramay  Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxa wax laga weydiiyey nabadgelyada deegaanka uu Maamulo ee Soomaalida Itoobiya, taasoo uu sheegay inay marayso heerkii ugu sarreeyey, isla markaana ay nabadgelyo buuxda ku sugan yihiin dadka iyo duunyadooda ku nool deegaannada dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Sidoo kale, Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dawladda Itoobiya, inta badanna ka dagaallanta deegaannada Ismaamulka Soomaalida, ayaa la weydiiyey wadahadal la sheegay inay dawladda Itoobiya la bilawday Jabhaddaas waxa ay Ismaamul ahaan kala socdaan, waxaanu ku dooday inay la socdaan, balse nasiib-darro wadahadal kasta oo kooxdaas lala galo ay iyagu fashiliyaan, guul-ka-gaadhista wadahadalkooduna ku xidhan yahay qaadashada Dastuurka Federaalka Itoobiya.
Waxaanu yidhi; “Waan ognahay wadahadallo badan oo intay iyagu bilaabeen haddana ay iyagu fashiliyeen. Markaa, wadahadal kastaa kan aad sheegayso iyo kuwo kastaba wuxu ku xidhan yahay qaadashada Dastuurka Federaalka.”
“Shuruudda koowaad, labaad iyo ta saddexaad waa Dastuurka muqaddaska ah ee siddeetanka Milyan leedahay markay sida Kiniinka u liqaan wadahadalku markaas buu ka dambeeyaa. Marka ay ku dhawaaqaan Dastuurka Federaalka Itoobiya waan qaadannay bilaa hadal, wax shuruud ahna kuma xidhayno, markaas ayuu ka dambeeyaa in wadahadal toosa lala galo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo su’aasha Jabhaddaas wada-hadalkeeda laga weydiiyey ka jawaabayey.

Comments are closed