|

Netenyaahu oo Guul lama filaan ah Gaadhay iyo Markii afaraad oo uu ku Guulaystay Hogaaminta Yuhuuda

Israeli 18.March 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Lukut ee uu Hogaamiyo Mr.Binyamiin Natanyahu ee Dalka Isra’il  ayaa Markii Afaraad Soo Dhisaya Dawlad Wadaag ah Dalkaasi ka Talisa kadib Markii uu ku Guulaystay Doorashada Madaxtinimada ee Dalkaasi.

natanyaahuDoorashadan oo uu ku Guulaystay Xisbiga Lukutka ee Hogaamiyo Binyamin Natanyaho ayaa Dadka Faaleeya Siyaasada Isar’el ay Sheegeen inay Tahay Mid si Lama Filaan ah Ku Timi Hase ahaatee Binyamin Natanyahu ayaa Sheegay in Heshiis Awood Qaybsi ah uu si Hoose Beri Hore ula  Galay Xisbiga Kulana oo aan Awood Badan Lahayn Balse keenay inuu Noqdo Salaankii Natanyahu Kursiga Wadankaasi uu Markii Afaraad ugu fuulay.

 

Xisbiga U Hogaamiyo Natanyahu ayaa Helay Sodan Kursi Halka Xisbigii Loo Maleynayay inuu Talada Wadankaasi Qaban Doono oo uuHogaamiyaha u ahaa Isaac Herzog uu ka Helay 24 Kursi oo kaliya.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa u hambalyeeyay Netanyahu, balse waxaa uu sheegay in arrintan ay astaan u tahay halkay ku socota siyaasadda Israa’iil.

Maalmo ka hor doorashada, ayaa Netanyahu waxaa uu sheegay in uusan aqbali doonin dowlad madax banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin.

 

Comments are closed