Turkiga Oo Madaxweyne Bashar Al Asad Ku Tilmaamay Hitler-ka Wakhtigan
Stanbul:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Dawladda Waddanka Turkiga, ayaa muujisay sida ay uga soo horjeeddo baaqii dhawaan maraykanka kasoo baxay ee sheegayey in heshiis lala galo Madaxweyne Bashaar Al Asad.
Ra’isal wasaaraha Waddanka Turkiga, ayaa sheegay in Heshiis maanta lala galo madaxweyne Bashaar aanu waxba ka duwanayn mid lala galo Hitler-kii jarmalka ee Xasuuqa ba’an geystay. “Kadib waxaas oo xasuuq ah oo ka dhacay Siiriya, xataa xadkii la dhaafay oo hubka kimikalka la isticmaalay, dadka xiligan ku baaqaya in wadahadal iyo heshiis lala galo waxna kama duwana iyadoo la yidhaaho heshiis halala gala Adolf Hitler.” ayuu yidhi Ahmed Dovutoglu oo ah Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Turkiga.
Turkiga ayaa hore u diiday inuu si toos ah uga qeyb qaato xulafada Maraykanka ee dagaalka kula jira ISIS, dowlada Turkiga, waxana uu Maraykanka ku xidhay inuu la Yimaaddo qorshe meesha lagaga saarayo Hoggaaminta Madaxweyne Bashar Al Asad.
Maraykanka ayaa tan iyo intii ay kooxda ISIS qabsatay dhul balaadhan oo kamid ah Ciraaq iyo Siiriya, awoodiisa dul dhigay sidii kooxdaasi ulla dagaalami lahaa, iyagoo u arka ISIS khatar ka xun Assad, halka Turkiga doonayo in culeyska la saaro Bashaar Al Assad sidii xilka looga tuuri lahaa.
Bashaar Al Assad ayaa dhankiisa sidoo kale qaadacay wadahadalka Marayanka ku baaqay, isagoo wareysi uu bixiyey Isniintii lasoo dhaafay ku sheegay in marka hore laga doonayo Maraykanka inuu joojiyo taageerada iyo hubeynta mucaaridkiisa.
SDN/QJ