Badhashaabka Gobolka Buuhoodle Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Gardarro Ciidamo Ethiopian Ahi Dhawaan Ku Galalafeen Magaaladaas
Buuhoodle:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Badhasaabka Gobolka Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed , ayaa faahfaahin ka Bixiyey weerar Habeen hore Ciidamo Ethiopian ahi kusoo galeeen Gudaha Magaalada Buuhoodle oo shacabku iska caabin kala hortegeen.
Hawlgalkaas oo keenay dhaawac soo gaadhay Haweenay Macallimad ahay, ayaa la sheegayaa in ciidanka Ethiopia ku doonayeen inay kusoo qabtaan Wadaad halkaas madarasad ka dhigi jirey, kaas oo shacabku si xoog ah uga hortageen.
Maayirka Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed oo khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen Somaliland, isaga oo xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay faro gelinta ciidamada itoobiya ku sameeyeen dalka ay ka hawl gasho.
Cismaan Yuusuf Maxamed oo ugu horrayn sharaxaya sidii ay wax u dheceen iyo khasaaraha ka dhashay, waxa uu yidhi “Hawl galkaasi waxa uu dhacay xalay siddeedii oo rubuc la’, ciidanka magaalada dhinaceeda degen ee qabaleega la yidhaahdo oo gaadhi Noha ah wata oo shacab leeyahay si aan filayo, ayaa waxa ay tageen meel madaraasad ah oo ay markaas ay ku jireen Ardaydii iyo macalinkii wax u dhigayey, markaa nin ka mid ah Askarta Itoobiya ayaa galay meeshii oo galaaskii ii ay ardaydii fadhiyaan ku qabtay macalinkii, waxaanuu ku yidhi soo bax macalinkii, Ardayda markaas meesha fadhidaa waxa ay u badanaayeen dumar oo ninka u galayna waa mid keliya oo askartii kale ee Itoobiyaanka ahayd banaanka ayey taaganyihiin, markaa dumarkii ayaa kacay oo waxa ay ku guulaysteen inay qorigii caabiyaan, markii ay iska caabiyeen oo ay ku guulaysteen in ay afkii qoriga kor u qaadaan ayaa nin kale oo kadinka taagnaa uu xabad ku riday dumarkii oo laba xabadood ayuu ku riday, markaa mid ayaa gabadh ku dhacday oo Naaska dushiisa ayey kaga dhacday kamanay bixin xabaddii gabadhaas, ninkii macalinka ahaa ee ay doonayeenna intii qoriga la isku haystay ayuu ka faa’iidaystay oo wuu baxsaday, markii ay intaasi dhacday ee ninkiina baxsaday ciidankii way iska noqdeen, waxaanay ahaayeen ciidanka Liyuu Booliska la yidhaahdo, illaa hadana cid arrinkaas wax iska waydiisay ma jirto, waana gudaha Somaliland meesha ay hawl galka ka fulinayeen ciidamada Itoobiya oo illaa 2KM iyo badh ayey xadka u jirtaa oo xagga Somaliland ay ka soo xigtaa, arrinkaasina sidaas ayuu u dhacay, waana arrin ay tahay in wax la iska waydiiyo oo xukuumadda Somaliland inay ka hadasho ay tahay”
Guddoomiyaha Degmada Boohoodle Cismaan Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay jiraan kooxo amniga ka dhan ah oo degaamadaasi jooga, kuwaasi oo Ethiopia gacan saar la yeelan karto “Markaa meeshani (Buuhoodle) waa meel iska xaasaasi ah oo ay colaado ka jiraan, dhinacna ay kooxo fara badan oo siyaasadeed ay ka jiraan, anaguna wax taageera ah oo aanu haysannaa ma jirto, markaa waxaan ku talin lahaa nimankan itoobiyaanka ahi cidda ay doonaan ayey gacan saar la sameeyaan ee ay danohooda ka arkaan, markaa waa inay xukuumaddu tallaabo cad ka qaado aynu nimankaas iskaga ogaanno haddii ay cid inaga soo horjeedda gacan saar la sameeyaan dhibaatadeeda ayey leedahay oo iskama difaaci karno, waxaan ka codsanayaa xukuumadda inay arrintaasi si siyaasadaysan uga hawl gasho ayaan codsanayaa”
SDN/QJ