Daalibaan Oo Qudha Kajartay Qareen Hore u Difaacay Dhakhtarkii Fudaydiyey Dilkii Usama Ben Laden
Peshawar:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Mintidiinta Daalibaan, ayaa toogasho ku dilay Qareen hore udifaacay Dhakhtarkii maraykanka ka caawiyey dilkii Usama Ben Laden.
Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furtay Samiullah Afridi xilli uu ku sii jeeday gurigiisa waxana uu u dhintey dhaawacyadii ka soo gaadhay rasaastaas.
Qareenkan ayaa dhowaan ku soo laabtay dalka Pakistan kadib markii uu ka tegey dalkaasi isagoo sheegay in loo hanjabay sidaa darteedna uu ugaga hadhay dacwada Dr Shakil Afridi sanadkii hore. Dilka qareenka ayaa waxaa sheegtay ururka Daalibaan ee sida xoogan ugaga soo horjeeda dowlada Pakistan.
Dr Afridi, oo aan wax xidhiidh dhinaca qoyska ah la lahayn Samiullah ayaa racfaan ka qaatay xukun 33 sano oo xadhig ah ay ku xukuntay maxkamad ku taal dalka Pakistan iyadoo lagu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Lashkar-e-Islam ee ka dhisan gobolka Khyber halkaa uu dhakhtarku ka soo jeedo.
Hase ahaatee qoyska dhakhtarka ayaa waxa ay ku tilmaameen eedeeyntaa mid been ah, waxayna dad badan u arkaan xukunkan inuu yahay mid lagu ciqaabayo kaalmadii uu siiyay Maraykanka ee ahaa dilkii hogaamiyihii hore ee ururka Alqaacida Osama Bin Laden.
Waxana uu Dr Afridi abaabulay tallaal been ah kaasoo qorshuhu ahaa in lagu soo ururiyo dhiiga DNA-da ee dadka ku noolaa dhismihii hogaamiyihii hore ee Alqaacida ka degenaa dalka Pakistan.
Xadhiga Dhakhtarka ayaa aad u dhaawacay xidhiidhka Maraykanka iyo Pakistan kadib markii ciidamada Maraykanka ay weerar ku qaadeen gurigii uu ku noolaa Osama Bin Laden iyagoo aan wax fasax ah weydiisan xukuumada Islamabad.
Samiullah Afridi oo ah qareenka la toogtay ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay cadeeyay in uu ka hadhay dacwada dhakhtarka oo uu markii hore u galay si bani’aadanimo ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com