Kenyan Airways Oo Iska Diidday Inay Madaxweynaha Uganda usoo Qaaddo Dhinaca Nairobi Iyo Xiisad ka Aloosantay
Kampala:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Muran ba’an ayaa ka Taagan tallaabo dhawaan ay Diyaraadda Kenyan Airways ku diiday inay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni usoo qaaddo dhinaca Nairobi.
Tallaabadan ayaa dhacday markii uu madaxweyne Museveni u diraagaroobayey inuu 20-kii bishii hore kaga qaybgalo shirka dhacayey Magaalada Nairobi, waxana Madaxweynaha Markii dambe soo qaaday Diyaarada Ethiopian Airways.
Arrintan ayaa durbaba dhalisay muran weyn, markii ay soo shaac baxday warka ah in diyaarada Kenyan Airways ay diiday inay Nairobi u soo qaado Madaxweynaha Uganda.
Guddiyada Baarlamaanka ee arrimaha Dibada iyo Difaaca Kenya ayaa kulamo is-daba joog ah ka lahaa arrintan, iyagoo baadhaya waxa keenay in Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya ay diido codsiga Madaxweynaha.
Shirkadda Kenyan Airways ayaan wax war ah ka soo saarin iyo sababtii ay u diiday codsiga Madaxweynaha Uganda ee ahaa inay ka soo qaado galbeedka Uganda.
Warbaahinta Uganda ayaa qoreysa in diyaaradii Madaxweynaha Uganda u soo qaadi laheyd Nairobi ay ku socotay dayactir.
Arrintan ayaa loo arkaa mid dhaawac weyn ku noqon karta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya Kenya iyo Uganda oo ah laba dal oo deris ah, iyadoo labada dal ay Ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com