Somaliland Oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay In La Kala Gaadho Iyaga Iyo Somalia Oo Isfaham-waa ka Dhex Aloosan yahay
Hargeysa:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Burburka Wada-hadalladii Turkiga ee dhawaan Burburay sababteeda ay lahaayeen Dawladda Federalka Somalia, isla-markaana Arrintaas ay ku qanciyeen Safaarado uu sheegay inay kulamo lasooo yeesheen.
Wasiir Biixi oo shalay kasoo degay Garoonka Cigaal International Airport, ayaa sheegay in dhammaanba diblomaasiyiintii ay la kulmeen intii ay booqashada ku joogeen dalka Kenya, ay arrintaas si fiican uga garaabeen, “Dadkii aanu la kulanay iyo safaarradihii faraha badnaa waanu ku qancinay in wixii aanu ku kacnay ay wax sax ah ahaayeen, way noo garaabeen oo isku maanu ogayn bay yidhaahdeen.”ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Wasiir Maxamed Biixi oo hadalkiisa sii wata, ayaa in Xurgufta wada-hadallada ay uga ashkatoodeen Dalalka caalamka, isla-markaana ugu baaqeen inay soo dhexgelaan wada-hadalka sii loo kala dhaqaaqo, waxana uu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya,
“Caalamka waxanu ka codsanay in la iskugu kaaya yimaaddo, nala dhexgalo oo dhexdhexaadini dhacdo oo aanu si wanaagsan oo walaaltinimo u kala baxno, markaa annagu waxanu jecelahay waddamadii badnaa ee arrinka hore u galay iyo kuwa Geeska Afrikaba inay arrinta soo galaan, waayo waxanu aaminsanahay in haddii aan nala dhexgelin ay dhibaato dhici doonto.”
Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kamid ahaa Waftigii somaliland u metelayey wada-hadalladii Burburbay ee Dalka Turkiga muddada ka soconayey, waxana uu haatan ka hor eedda burburkaas ku eedeeyey Dhinaca Somalia oo Kooxo reer Somaliland soo kaxaysatay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com