|

Golaha Deegaanka Gabiley Oo Maayar Cusub Doortay, Kadib Markii Kii Hore Ku Biiray Golaha Wasiirrada

Gabiley:Mar,17,2015(SDN/QJ)-Faadhi ayaa saaka Yeesheen Golaha Deegaanka Gabiley ayey ku doorteen Guddoomiye, kadib markii uu Guddoomiyihii Hore Shucayb Maxamed Xasan ku Biiray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

jheeGudoomiyaha Cusub ee Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa loo doortay Xildhibaan Aamiin Cumar Cabdi oo halkaas ka helay Cod aqlabiyad ah.

Mudanaha Cusub ee loo doortay Guddoomiyenimada Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa kasoo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, waxana uu noqonayaa Guddoomiyihii Labaad ee Golaha Deegaanka Gabiley yeeshaan Muddadii ay jireen.

Dhawaan ayuuu Madaxweyne Siilaanyo Golihiisa xukuumadda kusoo daray Maayarkii hore ee Golaha Deegaanka Gabiley, waxana taasi keentay in loo baahdo ciddii buuxin lahayd xilka uu Banneeyey.

SDN/qj

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed