Dedaallo La Doonayo In Madaxweyne Bashar Alasad Wada-hadal La galo Mucaaridka Dalkiisa Oo Maraykanku Haatan Bilaabay
Damascas:Mar,17,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Maraykanka, ayaa ka daashay cadaadiskii ay muddada dheer ku haysay Dawladda Dalka Syria ee uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar Al asad, waxana ay Tilmaameen baahida loo qabo in xukuumaddaasi wada-hadal la furto mucaaridkeeda dagaalka wada.
Warkan ayaa waxa sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibada John Kerry oo ka qeyb galay shirweynihii ka dhacay magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar.
Maraykanka oo hore sharuud uga dhigayey wadahadalka siiriya in marka hore xilka ka dego Madaxweyne Bashaar Al Assad ayaa hada fikirkiisii wax ka bedalay. John Kerry ayaa sheegay in xiligan aanay macquul ahayn in xal militari lagu dhameeyo dagaalada ka socda Siiriya.
Kerry ayaa sheegay in Maraykanka uu cadaadiska uu ku hayo dowlada Siiriya siii wadi doono si markaasi xukuumada ay wadahadal siyaasadeed ulla gasho kooxaha la dagaalamaya.
Dowlada Maraykanka ayaa dhawaan ansixisay qorshe lagu hubeynayo qaar kamid ah kooxaha kasoo horjeeda dowlada Bashar Al Assad, balse waxa muuqata in kooxahaasi dagaalkoodu aanu faa’iido lahayn, isla-markaana ay soo baxeen kooxo islaamiyiin ah oo ka garab dagaallamayaa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com