Dalka Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Magacaabay Somalia Iyo Kii Hore Oo La Beddelay
London:Mar,17,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Ingiriiska, ayaa Safiir Cusub oo haween ah usoo magacowday Dhiggeeda Somalia.
Safiirkankan Cusub ee lasoo magacaabay, ayaa xilka kala wareegi doonta Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyey ingiriiska Neil Wigan.
Harriet Mathews OBE, ayaa noqoneyso Safiirka Britain ee Somaliya. Waxayna soo dhaweysay in loo magacaabo Wadanka Somaliya, markii ugu horeysay.
“Waan ku faraxsanahay in la ii magacaabo Safiirka Britain ee Somaliya, waxaan u shaqayn doonaa sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qotoda dheer ee Somaliya iyo Britain.” Ayay tidhi Harriet Mathews.
Waxay kaloo intaas sii raacisay “Boqortooyada Britain waxa aan u ahay qofkii ka caawin lahaa, sidii Somaliya loogu soo celin lahaa nabadda iyo deganaanshaha, tanina waa fursadii aan shakhsiyan ugu qayb qaadan lahaa horumarkaasi.”
Haweenaydan lagu soo magacaabay Harriet Mathews, ayaa waxaa ku saxiixneyd Boqorada Britain ee Queen Elizabeth. Waxayna xilka la wareegi doontaa bisha June.
Britain, ayaa waxay ka mid tahay Wadamada Reer Galbeedka ee taageerada ugu badan siiya Dowladda Federalka Somaliya, waxana safiirkii hore dhaqdhaqaaqyo badan oo siyaasadeed ka samayn jirey horumarka Dalka Somalia.
SDN/QJ