|

“Wixii talo ah diyaar ayaanu u nahay in aanu markasta ka wada hadalno xisbiyada mucaaradka, kana wada tashano(Muddo kordhinta)” Mudane Saylici

Hargeysa, 17March 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa dabacsanaan u muujiyay Mucaaradka, sheegayna inay diyaar u yihiin in laga wada tashado muranka siyaasadeed ee jira iyo muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo.

sayliciMadaxweyne xigeenka oo Wargeyska Jamhuuriya wax ka waydiiyay aragtida Xukumadda ee baaqa Mucaaradku ku dalbanayo talo qaran ka hor 26-ka June waxa uu yidhi “Mucaaradka mar walba wada tashigu wuu noo furan yahay, wax aanu kala cararaynaana ma jiro, sababtoo ah dano ayaa naga dhexeeya oo waa dhinacyada ay khusayso dorashooyinku”

 

Madaxweyne xigeenka ayaa sidoo kale meesha ka saaray inay mucaaradku ula yimaadeen wax wadatashi ah “Ma jiraan wax dalab ah oo ay noola yimaadeen Xisbiyada Mucaaradku. Dabcana ma jirto wax mushkilad ah oo ku jirta inaanu wada hadalno xisbiyada Mucaaradka”

 

Madaxweyne xigeenka oo la waydiiyay sida uu u arko inay Mucaaradka kala tashadaan muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo waxa uu yidhi “Wixii talo ah diyaar ayaanu u nahay in aanu markasta ka wada hadalno xisbiyada mucaaradka, kana wada tashano(Muddo kordhinta)”

Comments are closed