Bayaan 10 qodob ah oo si wadajir ah ay u ansixiyeen shirweyne ay isugu yimaadeen labada beelood ee Ciise Muuse iyo Muuse Cabdale magaalada London
London Mar 16,2015(SDN/QJ)-Shirweyne ay isugu yimaadeen shalay Axadii 15/3/15 waxgaradka, aqoonyahanka iyo gudiyada labada beelood ee Ciise Muse iyo Muuse Cabdale ayey ku ansixiyeen 10-ka qodobka ee hoose kuwaas oo hore ugu soo bandhigay waxgaradka, salaadiinta iyo aqoonyahanka labadan beelood oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil.
1- Waxaa ay labada beelood ku heshiiyeen in ay si wada jir ah u soo nooleeyaan walaaltinimadii, xigtonimadii iyo midnimadii taariikhiga aheyd ee ay hidaha u lahaayeen.
2- Waxay ku heshiiyeen in ay taageeraan shirarka ay wadaan labada beelood ee ka socda dalka gudihiisa iyo debediisa ee u dhaxeeya labada beelood.
3- Waxay ku heshiiyeen in ay labada beelood ay yeelan doonaan Xeer Cusub oo mataaneyn doona oo loo bixin doono Xeerka Mataaneynta Saaxil , kaas labada beelood ay gude iyo debedba ay ku dhaqmi doonaan mustaqbalka.
4- Waxay labada beelood ku heshiiyeen oo goobtaa ku ansixiyeen in ay yeelan doonaan Gudiyo joogto ah oo wadanka Gudihiisa iyo Debediisa ah oo ay kaga wada tashan doonaan Arimaha xaasaasiga ah ee gobolka Saaxil markii loo baahdaba.
5- Waxay labada beelood ku heshiiyeen in ay si wada jir ah ugu soo jeesan doonaan sidii ay horumar buuxa ugaadhsiin lahaayeen arimaha bulshada ee gobolka Saaxil oo aad u dayacan.
6- Waxay labada beelood ku heshiiyeen in ay ka midoobaan arimaha,dhaqaalaha, Siyaasada iyo arimaha bulshada ee ku qotoma danaha Gobolka Saaxil.
7-Waxay Labada Beelood si cad isula qireen in ay Beesha Ciise Muuse tahay aqbilayada Gobolka Saaxil, Beesha Muuse Cabdalena tahay beesha labaad ee gobolka sidii ay weligeedba ahaan jirtay.
8- Waxaa labada Beelood ku heshiiyeen Dawlada ama madaxda gobolka Saaxil ee ku xadgudba habkaa soojireenka ah ee beeluhu udegan yihiin, in ay labada beelood u aqoonsan doonaan mid fidno iyo xaalad abuur ka wada gobolka Saaxil.
9- Markii si qoto dheer looga wada hadlay loona qaadaadhigay xaalada dhaxal wareejinta ee Dekeda Berbera ku soo fool leh iyo Halbowlayaasha kale ee Dhaqaaluhu ka soo baxo ee dalka oo dhan, Waxay labada beelood ku heshiiyeen in meel looga soo wada jeesto Awood sheegashada dawlada iyo ku xadgudubka hantida maguuraanka ah ee Qaranka ka dhexeeya.
10- Waxay labada beelood isku raaceen in aaney u diidaneyn kana lahayn Gobolka Saaxil beelaha walaalaha ah ee la dega, Laakiin aaney marna yeeleyn in beel aan degaan taariikhi ah ku laheyn gobolka Saaxil hada lagu degaameeyo iyada oo lala kaashanaayo Ganacsato beelaysan, Hantida Qaranka iyo Awood dawladeed oo aan gabasho laheyn.
Alleh Ayaa Mahad Leh,
Waa Bilaahi Towfiiq
Gudida Mataanaha Saaxil ee UK.