Xukuno iyo Ganaax lagu Riday Haween ka Ganacsada Maandooriyaha Xashiishada
Hargeysa, 16 March 2015 (SDN/QJ)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex, ayaa shalay xukuno isugu jira Xadhig iyo Ganaax lacageed ku xukuntay laba Gabdhood oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaya xashiishada.
Garsooraha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ee Hargaysa Axmed Dalmar ayaa sheegay in dumarkani qirteen in ay baahi u gaysay ka ganacsigan Maandooriyaha, isla markaana lagu qabtay iyaga ku wada magaalada Berbera.
Axmed Dalmar Garsooraha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa ku dhawaaqay Eeda loo hayso Xukunkana ku riday“Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Hargaysa waxa ay Maanta (shalay), ku dhawaaqaysaa xukun Xashiishad ka kooban 18toban waxood oo Mijo muji u eeg,maxkamadu Gobolku Shalay waxa la horkeenay Gal Dacwadeedka Sumadiisu yahay 226,Taas oo eedaysanaha koobaad Saamiya Maxamed muxumed ina Caasha Cabdilaahi oo 45jir ah iyo Hodan Xasan Xuseen ina Aamina Maxamed oo 30 jir ah.”
Garsooraha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Marka eedaysanayaasha loo Akhriyay Warqada eeda ee waafaqsan Qodobka 70,71,75. Nuxurkeeduna ahaa in siwadajir ah loogu eedaynayo danbiga ah Ka ganacsi xashiishad Maandooriye ah kaas oo xaraan ka ah dalka jamuuriyada somaliland sida ku xusan qodobka 4aad ee Xeer 21 2002dii qodobkiis afaraad.”
Labadan dumar ah ee lagu qabtay Xashiishada ayaa gaynayay sida uu Garsoorahu sheegay kuna wadeen Magaalada Berbera waxaana uu yidhi“Tariikhdu marka ahayd 20tankii Bishi 2aad 2015ka Abaaro 11kiin duhurnimo ayaa waxa lagu qabtay Istabta haleeya ee bariga hargaysa dumarkan oo la socday gaadhi nooha ah oo lambarkeedu yahay 51984,Markii dumarka La baadhay waxa lag soo saaray xashiishada halkan taala,markii Eedaysanayaasha lagu helay Danbigan waxa ay ku jawaabeen Qiraal,sida ku xusan qodobka 80 anaga sidayna gaynayn Berbera waxaana noo geeyay hungur.”ayuu yidhi garsooruhu
Markii Maxkamadu Dhagaystaya Dacawadood ee ayna Qirteen in ay iyagu ka ganacsanayeen Xashiishad Maxkamadu waxa ay ku xukuntahay“Maxkamada Gobolka Hargaysa marka hore waxa ay danbi ku heshay saamiya Maxamed Muxumed ina Caasha Cabdilaahi 45jir ah,waxaana kale oo ay Maxkamadu danbi ku heshay,Hodan Xasan Xuseen ina Aamina Maxamed oo 30 jir ah,Maxkamadu waxa ay ku xukuntay Danbiilaha 1aad saamiya Maxamed Muxumed Saddex Sano oo Xadhig Ah iyo Saddex Milayn oo Xadhig Ciqaabeed Ah,Danbiilaha labaad waxa ay Maxkamadu ku Xukuntay hodan Xasan Xuseen Sadex Sano iyo Saddex milayn oo Xadhig Ciqaabeed Ah,Xadhiguna waxa uu uga Bilaabmay Maalintii Xoriyada laga Qaaday.”
Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud Aadan Salaad Seed ayaa isna sheegay inuu u Mahad Celinayo Ciidanka Heeganka ugu Jira in Ay latacaalaan Maandooriyaha oo ku sifeeyay Qaar Markasta Mahad mudan“Labada Askari ee Qabtay waa xashiishadani waa Siyaad Aadan Khaliif iyo ilyaas Caamir Fariid,waana ragii ka shakiyay baabuurka baadhayna,waxanan Digniin u dirayaa Dadka ku hawlan ee doonaya in ay Markasta Ka shaqaystaan Maan Dooriyaha,Waana lagu dabar jiraa dad kale oo ay iyaguba noosheegeen in ay u shaqaynayeen kuwaasna maalin uunbay gacanta sharciga soo gali doonaan.”