Magacyada Saddex Qof Oo Maanta Maxkamadda Maamulka Puntand Dil Ku Fulisay
Bosasso:Mar,16,2015(SDN/QJ)-Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxa maanta lagu toogtay saddex nin oo lagu eedeeyey inay katirsanayeen Xarakada Al-shabaab.
Xukunka dilka ah ee maanta raggaas lagu fuliyey oo ay hore maxkamddu u ridday, ayaa waxa si wada jir ah u fuliyey Ciidamada Booliska oo arrintaas loo xirlsaaray.
Sadexda Ruux ee Maanta Dilka Toogashada ah lagu Fuliyay ayaa lagu kala Magacaabaa.
1: Maxamed Cabdi Axmed
2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan
3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac
Xubnahaas oo dhammaantood ay ku caddaatay inay xubin ka ahaayeen Al-shabaab islamarkaana Maxkamada ciidanka Puntland ay ku cadaysay dambiyada ay gaysteen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-3-2015 waxaa lagu tooktay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri sidaa waxaa lagu yiri War Qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Punlanad.
Maamulka Puntland iyo Xarakada Al-shabaab, waxa ka dhexeeya dagaal qadhaadh, waxana Magaalada Bosaso Xarakadu inta badan ka fuliyaan Weerarro qorshaysan oo saraakiil badan ay ku laayeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com