Weerar Xalay Lagu Qaaday Gudaha Magaalada Mandhera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Mandhera:Mar,16,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan la aqoonsan, ayaa xalay Weerar gaadmo ah ku qaaday Magaalada Mandhera ee Gobolka W/Bari Kenya, waxana Halkaas ka dhashay Khasaare Naf iyo Maalba leh.
Hal qof oo rayid ayaa Halkaas lagu dilay, kaas oo la sheegayo inaanu ahayn soomaali, waxana halkaas lagu dhaawacay tiro kale oo dad ah.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa rasaas ku furay dad rayid ah oo ka adeeganayey dukaan ku yaal gudaha magaalada Mandheera, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu sidoo kale dhaawac culus kasoo gaadaay sadex qof oo kale.
Dadka weerarkan wax ku noqday ayaa la sheegay inay yihiin Kenyaati deegaano kale ka yimid.
Weerarkan ayaa imanaya labo maalin kadib markii kooxda Al Shabaab ay weerartay kolonyo gawaadhi ah oo uu la socday guddoomiyaha Mandheera, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 2 kamid ah illaaladiisa halka ay ku dhaawacmeen 8 qof oo kale.
SDN/QJ