“Komishanka Doorashooyinka shaqadoodu ma aha diiwaangelin oo kaliya, waxana looga fadhiyaa inay soo saaraan jadwal dhamaystiran oo ah jadwalka” Xil. Buubaa
Hargeysa:Mar,16,2015(SDN/QJ)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ugu baaqay inay si degdeg ah u sameeyaan Jadwalkii Doorashooyinka dalka ka muddaysan iyo Waliba Xiliga rasmiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayaashu bilaabanayo iyo wakhtiga ay dhamaanayso.
Mudane Buubaa oo maanta warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay inaanay shaqada Komishanku ahayn kaliya Diiwaangelin, balse ay tahay samaynta Doorasho dalka ka hirgasha,
“Komishanka Doorashooyinka shaqadoodu ma aha diiwaangelin oo kaliya, waxana looga fadhiyaa inay soo saaraan jadwal dhamaystiran oo ah jadwalka codbixixiyayaasha.”ayuu yidhi Mudane Buubaa.
Xildhibaanku waxa uu Xukuumadda ku eedeeyey inay dib udhaca doorashada iyadu masuul ka tahay, waxana uu ka digay in lagu abaalmariyo muddo-kordhin sida uu sheegay aan lahayd Shuruucdii sharciga ahayd, waxana uu yidhi,
“Doorashada xilligeedii dhaafaysa waxanau aragnaa xilgudasho la’aan xagga xukuumadda ah, mana aha in lagu abaalmariyo muddo kordhin xukuumad xilkeedii gudan kari weyday, sanad walbana kuma jiri karno muddo kordhin aan duruufihii sharcigu sheegay waafaqsanayn, xukuumadduna shan sano ayaa looga fadhiyey inay agabkii doorashada ku dedejiso.”
Mudane Buubaa, ayaa ku baaqay in ka hor inta aan la gaadhin Bisha Afraad ee Sanadkan loo baahan in talo qaran la iskugu yimaaddo, waxana uu hoosta ka xariiqay in xeerkii doorashada Golaha Wakiilladu uu diyaar yahay, waxana uu yidhi,
“Bisha afraad dhamaadkeeda waa in talo qaran la iskugu yimaadaa oo doorashadaas xukuumaddu fashilantay wixii laga yeeli lahaa laga wada Hadlaa, Shacabkana waxanu u sheegaynaa in xeerkii Golaha wakiillada lagu soo dooran lahaa uu yaallo, marmarsiiyona ma noqon karo xeerkii Golaha lagu soo dooran lahaa baan jirin oo doorashadu dib u dhacaysaa.”
SDN/QJ