Telefoonka Madaxweynihii Geeriyooday Ee Somalia Oo La Dhegaysan Jirey Iyo Xogo Dheeraad ah Oo Laga Helay Sir-faafiye Maraykan ah
Washington:Mar,08,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxay War dadka soomalida ahi dhegaha u taageen oo sheegaya in Sirdoonka Maraykanku ay muddo dhegaysanayeen Telefoonka Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
Dukementi ay heshay warbaahinta dalka Jarmalka ee lagu magacaabo Spiegel oo uu u soo gacan galiyey ninka ka baxsaday heyadaas ee lagu magacaabo Edward Snowden ayaa waxaa uu muujinayaa liiska in ka badan 100 qof oo ah madaxda aduunka oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulahi Yuusuf Axmed (AU) inay heyadaas ay si joogto ah ay u basaasi jirtey oo ayna u dhegeysan jirtey teleefoonkooda iyadoona macluumaadka laga helo madaxdaas lagu keydin jirey data bank ay heydaas leedahay islamarkaana sidoo kale loo gudbin jirey cida ay quseyoso arintaas.
Ugu dambeyntiina iyadoo sida ay faafisay jariidada Spiegel ay sidoo kale ku jirtey madaxda la baasaayey ra’iisal wasaarada dalka ama konsolarada dalka Jarmalka haweeneyda lagu magacaabo Angela Merkel oo teleefanadeedana la dhageysanaayey ayaa arintaas waxaa si aad iyo aad ah uga cadhooday dalka Jarmalka oo la yaabay sababta ku kaliftey inay Mareykanka oo saaxiibo dhaw la ah dalka Jarmalka ay hadana basaasaan madaxdooda.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa madaxda aduunka ee ay haydaas basaastey madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabbaas, ra’iisal wasaarahii hore ee dalka Malaysiya Cabdullah Badawi iyo madax kale, Sirtan uu ka shifay Edward Snowden oo horeyugu shaqeyn jirey heyada sirdoonka dalka Mareykanka Central Intelligence Agency (CIA) iyo heyada National Security Agency (NSA) ayaa dhabar jab weyn ku noqtey dalka Mareykanaka iyadoona uu ninkaas hada ku nool yahay dalka Ruushka oo uu baxsaday ka dib markii uu ka shifay sir badan oo u qarsooneyd dalka Mareykanka.
Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo dalka Xukumayey xilli uu Burbur badani jirey, aan la fahmin sababta loo basaabay, iyadoo aanay jirin wax xidhiidh dhaw ah oo uu la lahaa Kooxaha islaamiyiinta Somalia.
Xigasho: Allbanaadir
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com