|

Farriinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xuska Maalinta Haweenka ee 8 March

Hargeysa 08.March (SDN/QJ) Labaatan sanno ka hor, markii uu caalamku isugu yeedhayay shirweyne lagaga hadlayo xuquuqda haweenka, colaaddii lagu baaba’ay ee Yugoslavia-dii hore ayaa keentay in si mudnaan leh loogu soo jeesto kufsiga iyo dembiyada kale ee dagaallada ee loo geystay dadka rayidka ah ee halkaa joogay. Labaatan sanno ka dib, iyadoo weli kooxaha xagjirka ah ee colaadaha wadaa ay bartilmaameedsadeen ayna sida hubka u adeegsadeen gabdhaha ay da’adoodu u yaraan karto ilaa toddobo sanno, waxa dhici karta in si fudud looga niyadjabo karaa shirarka caalamiga. Laakiin in kastoo ay weli wax badan inooga hadheen inaan gaadhno sinnaan buuxda – iyadoo ujeeddada udub-dhexaadka ahina ay tahay in la joojiyo colaadda ku salaysan jinsiga – haddana horumarka la gaadhay labaatankii sanno ee la soo dhaafay wuxuu caddeeyay qiimaha aan dhammaaneyn ee Shirkii Beijing ee Haweenka ee 1995.

Ban Ki-moonTan iyo markii la isla qaatay Baaqii iyo Qorshe Hawleedkii Shirka, gabdho badan ayaa fursado badan oo waxbarasho helay taasoo ka badan intii weligeed la soo maray. Tirada haweenka ee ku dhinta umusha ayaa la dhimay ku dhawaad kala badh. Haween badan ayaa hoggaamiya ganacsiyo, dawlado iyo ururro caalami ah. Waxaan soo dhaweynayaa horumarkan la gaadhay. Isla markaas, maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, waa inaan garwaaqsanaa in horumarkan la gaadhay uu ahaa mid aad gaabis u ah oo aan sinnayn, waana inaan qabanaa wax intaa aad uga badan si aan u dardargelino horumar laga gaadho dhinac walba.

Caalamku waa inuu isu yimaaddo si wax looga qabto kooxaha xagjirka ah ee bartilmaameedsanaya haweenka iyo gabdhaha. Laga bilaabo Nayjeeriya iyo Soomaaliya ilaa Suuriya iyo Ciraaq, jidhka haweenka ayaa loo bedelay goobo dagaal oo ay isku hirdiyaan dagaalyahanno ku kacaya istiraatijiyado gaar ah oo nidaamsan oo inta badan ku saleysan isir ama diin. Haweenka waxaa loo weeraray inay isku dayeen inay helaan xaqa ay u leeyihiin waxbarashada iyo adeegyada asaasiga ah; waa la kufsaday, waxaana laga dhigay adoomo galmo; waxaa abaalgud ahaan loo siiyay dagaalyahannada, kooxaha xagjirka ah ayaana isku isweydaarsaday shabakadda ka ganacsiga dadka. Dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo kuwo kale ayaa si qorsheysan loogu dilay iyagoo isku deyaya inay ku shaqeystaan xirfadahooda. Dadka difaaca xuquuqda insaaniga ah ee haweenka oo si geesinimo ah uga hortaga gumaadka caynkaas waxay u badheedhaan halis – mararka qaarkoodna waxay ku waayan naftooda iyagoo ku jira dadaalkan.

Waa inaan mowqif cad oo caalami ah iska taagnaa weerarkan buuxa ee lagu hayo xuquuqda insaaniga ah ee haweenka. Beesha caalamku waxay u baahan tahay inay cadhadeeda u bedesho ficil macno leh oo wax-ku-ool ah, oo ay ka mid yihiin gargaar bani’aadanimo, adeegyo dejinta maskaxda ah, taageero nololeed iyo dedaal lagu bixiyo in kuwii dhibka geystay caddaaladda la hor keeno. Iyadoo haweenka iyo gabdhuhu ay inta badan yihiin bartilmaameedka koowaad ee weerrarradda, xuquuqdoodu waa inay noqotaa xuddunta istaraatijiyaddeena aan kula tacaaleyno dhibaatadan ballaadhan ee sii kordheysa. Haweenka iyo gabdhaha oo la awood-geliyo ayaa ah rajada ugu wanaagsan ee horumar waara colaadaha kadib. Iyaga ayaa ah rajada ugu wanaagsan ee horseedi karta koritaan dhaqaale, rajada ugu wanaagsan ee dib-u-heshiisiinta iyo gaashaanka ugu wanaagsan ee lagaga hortagi karo xagjirnimada dhallinyarada iyo colaadaha soo noqnoqda.

Xataa bulshooyinka nabadda ah, gabdho iyo haween aad u badan ayaa weli ah bartilmaameedka tacadiyada ka dhaca qoyska/guriga, gudniinka gabdhaha iyo noocyada kale ee tacaddiga ee dhibaato maskaxeed ku rida dadka, burburiyana bulshooyinka dhammaantooda. Takooriddu weli waa derbi ballaadhan oo lagama maarmaan ah in la burburiyo. Waxaan u baahanahay inaan kordhino fursadaha siyaasadda, ganacsiga iyo meelo kaleba. Waxaan u baahan nahay inaan bedelno fikirka maskaxda, gaar ahaan ragga dhexdooda, oo aan ragga ka qaybgelino inay iyaguba noqdaan kuwo isbedelka hor socda. Waana inaan go’aankeena ku xoojinaa dhaqaale ku salaysan in si hubaal ah loo fahmo in maalgashiga sinnaanta ragga iyo dumarka uu keeno horumar dhaqaale, ka wada qaybgal bulsho iyo mid siyaasadeed iyo faa’iidooyin kale oo iyaguna sii xoojiya xasilloonida iyo sharafta.

Sannadkani waa sannad muhiim u ah horumarinta xuquuqal-insaanka haweenka. Beesha caalamku waxay si adag ugu hawlan tahay dejinta ajenda cusub ee horumar waara, ajendahaas oo ku salaysan Yoolalka Horumarka Kun-sannadlaha ah, oo qaabeeya siyaasadaha iyo maalgashiga bulsho ee jiilka soo socda. Si uu u noqdo mid isbedel dhab ah keena, Ajendaha Horumarinta 2015-ka Dabadii waa inuu mudnaanta koowaad siiyaa sinnaanta ragga iyo dumarka iyo awood-siinta haweenka. Caalamku marna weligii ma gaadhi doono boqolkiiba 100 yoolalkiisa haddii boqolkiiba 50 ka mid ah dadkiisu aanay gaadhin halka ay rabaan. Marka aynu haweenka u sii dayno awooddooda, ayaan xaqiijin karnaa mustaqbalka dadkoo idil.

Comments are closed