“Markii aynu is raacnay, waxa is raacay Somaliland iyo Soomaaliya,Magacii Lumay ee Somaliland Iyo Somalia ayaa Maanta Soo Noqday” Dardaarankii Cigaal
Hargeysa 08.March (SDN/QJ) Qabyaaladdu waa dillaaga qaranimadda, caddaalada iyo sinaantuna waa tiirka ugu muhiimsan ee kor u haya jiritaanka qaranka. Haddii garsoorku dheeliyo, sinnaani ma jirayso, haddii taa la waayo oo qabyaaladu ka saraysana, wadaaga iyo wax wada lahaanshuhu way burburaan, waayo, cid baa sharcigii ka saraysa.
Haddaba waxa Shabakada Qurbejoog.com qormadan idiinku soo gudbinayaa, khudbad marxuum Maxamed I. Cigaal u jeediyay qurba jooga Somaliland ee Maraykanka, mar uu socdaal ku tegay halkaa, isla markaana ahayd waqtigii uu ku hawlanaa dhismaha nidaamka dawliga ah. madashii uu khudbada ka jeedinayay waxa dhinac fadhiyay Axmed Qaybe iyo Maxamuud Saalax Fagadhe. Khudbadaa wuxuu ku yidhi;
“Markii aynu is raacnay, waxa is raacay Somaliland iyo Soomaaliya, wixii aanu isugu nimi ee aanu wada dhisnayna wuxuu ahaa Somali republic, markaa soomaaliya waxay ahayd khiyaamadii u horaysay ee nalagu sameeyay, oo labadii magac ee inay lumaan ahayd, ayaa inta kaayagii la tuuray, koodii nalagu qabsaday. Markaa Soomaaliya iyo Somaliland baa maanta soo noqday, labadii magac ee shalay mid la tuuray baa maanta soo noqday, oo is barbar yaala. Soomaaliya markaan leeyahay waxaan sheegayaa, dhulkii soomaalida talyaanigu gumaysan jiray, somalilandna waxay ahayd Somaliland, labadeenu markaynu wada jiray waxaynu isku ahayn somali republic, maynu isku ahayn soomaaliya, waxay ahayd khiyaamo layna khiyaameeyay oo u horaysay khiyaamo layna khiyaameeyo, inta magaceenii la tuuro, kii aynu isku raacnayna la aaso, guudka laynaga saaro magac in laga tago ay ahayd, oo laynoo bixiyo soomaaliya.
Markaa somalilandta aanu dhisnay waxa weeye, Somaliland anagu weli aanaan dhamayn, idinkana laydiinka baahan yahay inaa gacan ka gaysataan. Waxa weeye Somaliland loo dhan yahay, loo siman yahay, waxa maanta soomaali baabi,iyay, idinkana idinku kelifay inaad soo haajirtaan, waxa weeye qabiil isku dayay inuu inta kale madaxa ka guro, waxa la yidhi beri baa, waxa coloobay Midgaan lamaan iyo Ogaadeen oo dhan. Ogaadeen oo dhamina habeenkii buu biqi jiray oo odhan jiray, kii lamaanaa baa meelahaa ku jira. Midgaankii lamaanaana maalintii buu biqi jiray oo odhan jiray, kuwii mid uun baa meeshaa kaaga soo bixi. Ma kala adkaan karo,qabiil soomaaliya oo aqbali kara in qabiil kale qabsadaa ma jiro, qabkeena waa naqaanaa, qiimaheena waa is wada naqaanaa, waxa ina baabi,iyay waxa weeye qabiil hawaystay inuu inta kale dhabarka ka fuulo. Somaliland waxaanu ka dhigaynaa meel loo siman yahay, oo mid la wada yahay, maceeshada loo siman yahay, madaxtinimadda loo wada siman yahay. Maanta anigu waxaan ahay nin Isaaqa oo madaxweyne ah, berrito waxaan filayaa, in Fagadhe ka noqdo madaxweyne ama Qaybe ka noqdo Madaxweyne”,(sadexdoodaba ilaahay ha u naxariisto).
Marxuum Cigaal wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Nin reer Laascaanood ah oo Dhulbahante ah oo aan doonayay inuu nala shaqeeyo, ayaan ku idhi, dhalasho Isaaq la yidhaahdo oo dhisani ma jiro, iyagu inay isu taliyaana ma jecla, ee waxay jecel yihiin in cid nasteex ah oo aan iyaga ahayni u taliso, waar kaalay dalkan, oo berri adigaa madaxweyne ka noqon doonee kaalay maanta, waxaanu u baahanahay wasiir maaliyadeed wanaagsan oo adiga oo kale ahe, ninkii baan ku idhi kaalay oo wadankan nala dhis. Waxaan leeyahay markaa, ma jiro qabiil ka mudan qabiil kale oo soomaali ah, ma dhisayno , haddaanu dhisno oo sidaasi dhacdo, waanu guuldaraysanay .Waxaanu doonaynaa in aanu dhisno dal dadka ku nooli, meel walba ay u siman yihiin.”