|

“Laba qof oo kasta oo wada shaqeeya oo isjecel Xasad iyo xaasid ayey leeyihiin, dad baana jira Warka inta xun uun ka shaqeeya iyo…..”Wasiirkii Hore ee Maaliyadda

Hargeysa:Mar,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Maanta markii ugu horraysay Si Faahfaahsan uga warramay Xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ay saaxiib dheer soo wada ahaayeen, waxana uu ku dheeraaday Marxalado kala duwan oo ay soo wada Mareen.

soocWasiir Samaale oo maanta ka Hadlay munaasibad uu xilkaas ku wareejinayey ugu horrayn ka Hadlay koruqaad muuqda oo uu ku sameeyey Miisaaniyadda qaranka oo  uu meel hoose kasoo qaaday, isagoo tibaaxay inuu dedaal halkaas kusoo gaadhay,

“waxa xilkan aan maanta wareejinayo hayey muddo saddex sano ah, waxana aan ilaahay ka barbayayaa in wasiirka cusub eebe xilka u fudaydiyo, waxana aan u sheegayaa inaan hiil iyo hooba la barbar taaganahay, waxana xilka la wareegay tiiyoo ay soo baxday miisaaniyadii 2011-kii oo ahayd 88-miyan oo dollar ay soo baxday 83-milyan shan million-na ay soo bixiweyday, Saddexdaas sanadood ee aan xilkaas hayey waxan sheegayaa in miisaaniyadda Dawladda dhexe ay tahay 180-million tahay miisaaniyadda qarankuna tahay 251200-million ay tahay.”ayuu yidhi  samaale.

Mudane Samaale ayaa si cad uga hadlay  Gacan-qabasho uu madaxweyne Siilaanyo usoo sameeyey iyo marxaladihii taariikhda galay ee ay soo wada Mareen, waxana si gaar ah u carrabaabay Madalo dhawr ahaa oo uu  madax kasoo noqday oo maanta Madaxweynaha uga mahadnaqayo, waxana uu yidhi,

“waxan u mahadnaqayaa madaxweynaha somaliland oo isagu ii magacaabay Wasaaradda Maaliyadda, Taariikh iyo waayo kala duwan ayaanu isla soo marnay oo  isla soo ahayn garab iyo gaashaan, Hadday tahay tii xisbia kulmiy dhexdiisa ee Maamule Kaambayn,  Iyo mararkii aan Guddoominayey Shirarkii xisbiga ee kala duwanaa, Hadday shirarkii Madaxweyne iyo madaxweyne-xigeen ee 2002-dii ka dhacay aqalka shaqaalaha iyo hadday tahay Shirweynihii xisbiga Kulmiye ee 2008-dii ka dhacay Hutel Ambassador, iyo Hadday tahay masuuliyaadkii kala duwanaa ee aan xisbiga Kulmiye kasoo qabtay mahadeeda waxan u celinayaa Madaxweynaha Somaliland.”

Wasiirkii hore ee Maaliyaddu waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu xilka wasaarada uu wareejinayo ugu dhiibay Kalsooni iyo saaxiibtinimo, taas oo uu sheegay inay ilaa iyo maanta dhexdooda taallo,

“Xilka aan maanta hayey ee Wasaaradda Maaliyadda waxa ii magacaabay Madaxweynaha somaliland waana aan uga mahadnaqayaa, kalsooni uu igu qabay buuna iigu magacaabay, waxana madaxweynaha naga dhexeeya kalsooni iyo is aamin walina wuu naga dhexeeyaa.”ayuu yidhi Samaale.

Waxa uu si gaar ah uga Hadlay Sababaha keenay inay Madaxweynaha isku dhacaan, waxana uu  afkiisa u diiday inuu cid gaar ah farta ku fiiqo, isagoo kaliya carrabaabay in dhexdooda laga shaqeeyey, waxana uu  yidhi,

“Laba qof oo kasta oo wada shaqeeya oo isjecel ikuna xidhan saaxiibana ahi Xasad iyo xaasid ayey leeyihiin, dad baana jira Warka inta xun uun ka shaqeeya iyo iskudirka iyo kala fogaynta.”

Mudane Samaale oo ka sheekeeyey qiso Munaafiqiin hore ka sheegeen Sawjadii Rasuulka SCW ee Caa’isha Bintu ABii Bakor, ayaa sheegay inay fududahay in la iska horgeeyo laba qof oo siyaasadda kaaalin ka wada shabaya,

“Hadii Rasuulkii iyo Sawjadiisii la kala kaxeeyey xilligaas, miyaan Maanta dad siyaasadda meel ka wada ciyaaraya miyaan si fudud lagu kala kaxayn  Karin oo war lagu kaxayn Karin.” Ayuu yidhi Mudane Samaale.

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu sheegay inaanu madaxweyne Siilaanyo ahayn nin Hantida umadda u hamuun qaba, waxana uu yidhi,

“Madaxweynaha somaliland waxa uu ilaaliyey Hantida Umadda, Inta aan ka bartayna ma aha nin baahi u qaba Hantida umadda, waxa uu Garab iyo Gaashaanba iigu ahaa Ilaalinta Hantida qaranka ee Wasaaraddaa Maaliyadda ee aan Masuulka ka ahaa.”

Samaale waxa uu meesha ka saaray jiritaanka Warar dhawaanahan soo baxayey oo sheegayey in la isku seegay lacago madaxtooyadu dalbatay oo uu diiday, waxana uu yidhi,

“Ma Jirto lacag madaxtooyada la iga amray inaan Bixiyo oo aniga iyo Madaxtooyadu aanu isku afdhaafnay, Haddii ku-tidhi-ku-teentaas suuqa la geliyeyna waa Been aan waxba ka jirin, may dhicin mana laha madaxweynuhu Habdhaqanka noocaas ah.”

Isagoo si gaar ah uga warramaya xidhiidhka xilligan uu la leeyahay Madaxweyne Siilaanyo ayuu sheegay inuu yahay mid fiican, waxana uu ku adkaystay inuu hankiisii rabitaanka Hogaanka Waddanku uu halkiisii  yaalo,

“Xidhiidhkayaga aniga iyo Madaxweynuhu hore wuu u fiicnaa, imikana wuu fiican yahay, waanu jiri doonaa sidii aanu awalba isku ahayn iyo si kasii fiican ayaanu isku ahaan doonaa, una wada shaqayn doonaa, Xisbigayaga Kulmiye ee aan Madaxweynaha la aasaasay  Aasaasayaashiisa kamid  ahaa oo rag  badan oo maanta xisbigaa ku jiraa Xilliyo dambe ay soo galeen Kaalintii aan kaga jirey ayaan kaga jiri doonaa, Hankaygiina waa Halkiisii, Waxana aanu iskaashan doonaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbigaba, sidaasaana aanu mid ahaan doonaa.”ayuu yidhi Samaale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Samaale oo ka Hadlay Wasaaradda Waxbarashada ee uu ka Cudurdaartay, ayaa dibadda soo dhigay inay wasaaradda waxbarashadu miisaaniyad ahaan aad uga sarrayso midda maaliyadda ee laga beddelay, waxana uu yidhi,

“Wasaaradda Waxbarasha Miisaaniyadeedu waa 76-billion marka lagu daro miisaaniyadda Guddida Tacliinta Sare tiiyo aanay ku  jirin deeqaha ay Hay’aduhu bixiyaan, Halka ay Miisaaniyadda wasaaradda Maaliyaddu ka tahay 53-Billion, waxana dhee tahay 23-Billion marka aan caawimooyinnka dibadda lagu darin, taasina waxay caddaynaysaa in labada wasaaradood midda culusi ay tahay wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare.”

Waxa uu mudane Samaale meesha ka saaray jiritaanka Isfahandarro dhex taalla isaga iyo madaxweynaha, waxana uu ku adkaystay inuu Shaqada wasaaradda Waxbarashada u diiday Dareen isaga gaar u ah oo aanu caddaynin,

“ma jirto isfaham waa aniga iyo madaxweynaha ahi, waana aan uga mahadnaqayaa Xilalka kala duwan ee  aan lasoo qabtay, Kaliya Dareen aniga ii gaar ah ayaan uga cudurdaartay qabashada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare anigoo og inay tahay wasaarad Halbawle ah.”ayuu yidhi Samaale.

Ugu dambayntii mudane Samaale waxa uu shaaciyey lacagta haatan ku jirta Khasnadda Dawladda, taas oo uu sheegay inuu si rasmi ah ugu wareejinayo Wasiirka Cusub Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlay uu yidhi,

“Waxa Khasnadda Dawladda Maanta ku jirta marka la isku wada Daro $1976241000, waxana ay wasaaradda Maaliyaddu bixisay 3-million oo dollar ahaa lacagta diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo miisaaniyadda ku jirtey.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed