Wasiir Samaale Oo Xilwareejintiisii Maanta Kaga Hadlay Halka Laga Qaniinay, Daahana Ka Qaaday Halka uu ku Dambaynt Doono Hakiisii Siyaasadeed
Hargeysa:Mar,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxaed Samaale, ayaa Maanta xilkii wasaaradaas si rasmi ah ugu wareeyey Wasiirka cusub ee wasaaradaas dhawaan loo magacaabay Marwo Samsam Cabdi Adan.
Munaasibad si heer sare ah lloo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxa kazoo qaybgalay Wasiirro ay Mudane Samaale saaxiib dhaw ahaayeen, Xidhibaano, Saraakiisha Ciidanka Boliska, Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
Wasiirkii hore Mudane samaale oo ay dhawaan isku dhaceen madaxweyne Siiaanyyo, isla-markaana diiday inuu qabto xilka wasaaradda Waxbarashada, ayaa halkaas hadal dheer ka jeediyey, waxana uu sheegay in isaga iyo madaxweynaa la isku diray oo laga dhex shaqeeyey, isagoo daliishaday aayado qur’aan ah oo uu kaga hadlayo isku dirka iyo warxumo-tashiilka sida loogu baahan yahay in laga dheeraado.
Mudane Samaale oo si weyn loo sugayey hadalka uu odhan doono, ayaan cid gaar ah saarin eeda isku dhaca isaga iyo Madaxweynaha, waxase kaliya uu hadalkiisa ku koobay in cidi dhexdooda soo gashay, isla-markaana aaay jirin colaad haatan dhexdooda taallaa.
Mudane Samaale oo ka Hadllay arrimaha ku saabsan Mustaqbalka hankiisii uu hore u shaaciyey, waxana uu tilmaamay inuu halkii kasii wadi doono Dedaalka uu ugu jiro gaadhida hankiisa iyo waliba ka shaqaynta arrimaha Xisbiga Kulmiye oo uu xubin ka yahay.
Wasiirrada ay sida gaarka ah saaiibka u yihiin ee ay kamidka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud, Arrimaha Dibadda, Ganacsiga, Boosaha, Gaashaandhigga iyo Mudanayaal katirsan Golayaasha Baarlamaanka ayaa halkaas kazoo qaybgalay, waxana muuqatay inay muujiyeen xidhiidha ay wali la leeyihiin wasiirkii hore ee maaliyadda oo haatan ka dhex baxay Golaha wasiirrada.
Wasirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam cabdi oo halkaas ka Hadashay, ayaa sheegtay ina si fiican u sagootiyeyso wasiirka Hore, isla-markaana ku faraxsan tahay xilka loo dhiibay.
Goor Dhaw filo hadalka wasiirkii hore oo faahfaahsan.
SDN/QJ