“Madaxweyne Xasan Sheekh markuu na dirayey waxa u na yidhi waxan Madaxweyne Siilaanyo ku idhi Kursigayga Haddii Midnimadii Somalia lagu helayo waa iga diyaar…..”Wasiir Maareeye
Hargeysa:Mar,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska Dawladda Federal-ka Samalia Maxamed Cabdi Xayir(maareeye)ayaa si qoto dheer uga Hadlay Wada-hadalladii fashilmay ee Dhawaan ka dhici lahaa Dalka Turkiga oo kamid ahaa Waftigii Somalia Halkaas u wakiillatay.
Wasiir Maareeye oo u warramay Idaacadda Dawladda Federal-ka ah, ayaa kaliya Guul ku tilmaamay in labada dhinac wada Hadal iskugu yimaadaan,
“hadalladu way bilawdeen in lawada hadlaana guul ahayd, dadka soomaaliyeedna markay wax kala tawdaan waa dad tashadooda gudahooda ka horumariyo dano badan oo isxifaaltan iyo is haysad gudahooda ah.”ayuu yidhi mudane Xayir.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Dawlad ahaan caddeeyeen inay garawshiyo ka bixiyaan Dhibaatooyinkii Shacabka somaliland soo maray, waxana uu rajo ka muujiyey Midnimo dambe oo la helo, waxana uu yidhi,
“Labada shacab wax aka dhexeeya dano aad u badan somaliland-na waxay tabanayso madaxda Somalia meel badan bay ka caddeeyeen inay ka garabayaan, kana hawlgelayaan Daaweyntooda, runtiina waanu is aragnay waftiga fursado bandanna waa isu helnay Rajo badanna waa ka qabnaa in Somalia midowdo oo ku midowdo nidaam ka horumarsan kii Somalia ku soo dhaqmi jirtey oo ah mid dawladnimada la wada maalayo.”
Wasiirka ayaa sheegay in baahi loo qabo inaan wada-hadallada dhinaca siyaasadda oo kali ah lagu koobin ee arrimaha dhaqankana lagu daro ,waana uu yidhi,
“Waxa Aanu aaminsanahay inaan siyaaasadda oo kali ah lagu koobin wada Hadallada ee waji kale la furo oo bulshadu wada Hadasho oo dhaqaniyan lagu wada Hadlo, waana horumarka la gaadhay Haatan.waxanu diyaar u nahay in wixii ay tawdeenna laga daayo, nidaam u xaqiijinaya inay mid dambe ka badbaadayaana aanu samayno.”
Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye waxa uu markii ugu horraysay Carrabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan sheikh Hore Madaxweyne Siilaanyo ugu wargeliyey inuu Kursigiisa diyaar la yahay Haddii la helayo midnimadii Somalia ee Luntay, waxana uu yidhi,
“Madaxweyne Xasan Sheekh markuu na dirayey waxa u na yidhi waxan Madaxweyne Siilaanyo ku idhi Kursigayga Haddii Midnimadii Somalia lagu helaya waa iga diyaar, tanaasul intaas le’eg ayaanu u haynaa dadkaas.”
Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye ayaa kamid ahaa Xubnihii Dhawaan kaalinta ku lahaa fashilkii ku yimi wada-hadalladii turkiga, waxana uu dhalasho ahaan kasoo jeedaa Deegaanada Somaliland.
SDN/QJ