|

Xiisaha Maanta Ee Xil-wareejinta Wasaaradda Maaliyadda Iyo Samaale Oo Laga Sugayo Inuu Saro Siraha Diidmadiisa Xilka Waxbarashada

Hargeysa:Mar,07,2015(SDN/QJ)-Maanta  oo ay Bisha March Tahay 6-da, waxa loo ballasan yahay inuu wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale uu wareejiyo xilka wasaaradaas, isagoo ku wareejin doona Wasiir Zam Zam Cabdi Aadan oo uu diiday inuu wasaaradda laga soo beddelay qabto.

Samaale-iyo-SamsamXil-wareejintan ayaa ah arrinta ugu xiisaha badan ee waddanka laga hadal hayo, waxana la filayaa in labada masuul isweydaarsan doonaan Hadallo siyaasadeed oo la xidhiidha saluugga wasiir Samaale.

Sida wararku sheegayaan waxa xil-wareejintan lagu qaban doonaa xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo sabatana lagu sheegay in dadka kasoo qaybgelaya oo badan darteed halkaas loogu raray, maadaama aanay wasaaradda Maaliyaddu haysanin Hool ballaadhan oo dad badan qaadi kara.

Munaasibaddan xiisaha leh, ayaa lagu wadaa inay kasoo qaybgalaan Saraakiil sare oo xukuumadda katirsan, kuwaas oo  ay saaxiibo ahaayeen Wasiirka xilka wareejinaya, halka sidoo kalena ay soo buux-dhaafin doonaan Marti-sharaf  haween u badan oo ay saaxiibo dhaw yihiin Wasiir Sam Sam Cabdi Aadan.

Mudane Samaale oo ay kala aragti ahaayeen Wasiir Saxsam ayaa saacado Gudahood ku Go’aansaday inuu iska casilo xilkii wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweynuhu u beddelay, waxan uu xilligaas sheegay inay jiraan wax qarsoon oo uu sheegi doono, iyadoo maanta laga filayo inuu sheego waxa qarsoon ee aan cidi la ogayn.

Marwo Samsaxm ayaa aragti ahaan ku dhaw Guddoomiye Muuse oo ay si weyn u kala durugsan yihiin Cabdicasiis Samaale, waxana sababtaas loo filayaa inay tahay midda keentay inuu Samaale Qaato G’aan lama filaan noqday, iyadoo uu urko in madaxtooyadu aanay ugu hambaynin sidii uu ugu lisay.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah u wareejiyo wasaarad uu sanado soo xukumay, taas oo lagaga qaaday qaab aanu jeclaysan oo ku keenay inuu ka hadho tareenka siyaasadeed ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed