|

Daaciga Islaamiga ah Ee Zakir Nake Oo Shahaado Sharaf iyo Lacag Dhan$200,000 Dollar Ka Helay Boqorka Sucuudiga

Riyadh:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Daaciga islaamiga ah ee Dr Zakir Naik, ayaa Shahaado-sharaf iyo Qaddar lacag ah oo gaadhaysa $200,000 Dollar ka Helay Boqorka Suciidiga Salman bin Abdulcaziz.

zakoDr Zakir Naik oo ah Daaci caan ka ah Caalamka Islaamka, ayaa Maamuuskan ku gaadhay inuu noqay Daaci aan Ku Hadlin Luuqadda Carabiga, haddana Door muhiim ah ka qaatay Faafinta Diinta Islaamka.

Waddaadkan u dhashay India oo ay ku xidhan yihiin jamaahiir taageerayaashiisa ah; ayaa sidoo kale sumcadiisa waxaa kor u qaaday isaga oo muxaadarooyinka uu qabto intooda badan ku dhaleeceeya siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Islaamka, sidoo kale, wuxuu si weyn u dhaliilaa kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Ciraaq, Suuriya & Somalia.

“Waxaan si weyn uga soo horjeedaa in qof muslimah la dilo, ama uu wax dilo; laakiin maxey tahay waxa Mareykanku sameynayo.?” Ayuu ku yidhi Dr. Zakir muxaadaro uu ka jeediyey dalka Imaaraadka, isaga oo intaa ku daray in bartilmaameedka Mareykanka ee ka dhanka ah Muslimiinta in ay tahay tan kicineysa kuwa seef la boodka ah.

Dowladda Mareykanka oo saaxiib dhow la ah Sacuudiga ayaan jecleysan xidhiidhka iyo soo dhoweynta Sacuudigu u sameeyey  Dr. Zakir oo ah waddaad afkaartiisu tahay mid cad oo aan gambasho laheyn,; mar walbana dhaleeceeya siyaasada Mareykanka ee Islaam naceybka, waxaana wargeyska Washington post ciwaan looga dhigay “Boqorka Sacuudiga oo abaalmarin siiyey waddaad Islaami ah oo ku tilmaamay weerarkii (11 Septmber) howlgal gudaha laga abaabulay”

Zakir Naik, ayaa waxa Maalin walba Gacantiisa kusoo islaama Malaayiin muslimiin ah, waxana uu shaashadaha islaamiga ah kasoo baxaa isagoo dadkaa diinta islaamka soo gelaya Shahaadada u qabanaya.

 

SDN/QJ

timo@qurejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed