|

Maansada magaceeda layidhaahdo:-duni oo ka hadlaysa xaalado badan iyo waaqiciga jira

Maasadan waxaa curiyey:-hal-abuur faarax carab ismaciil (Aarka) Maansada magaceed waxaa layidhaa:-duni
Tariikhduna waxay ahayd marku curiyey hal-abuurku 28 feb 2015 hadaba Maansadan oo ka hadlaysa xaalado badan iyo waaqiciga jira meelabadana  ka taatabanaysa xaalka uu dalka soomaliland ku suganyahay waxaa
curiyey hal-abuur da,yar se midho iyo xigmad miisaaman oo ay  farshaxanimo ku dheehantay alle ku manaystay wuxuuna hal-abuurku ku
ibo furtay sida tan:-

Da,da maanso deexdeed
Dawankiyo codkeedi
Dararteeda Gaaxda ah
Dulucdiyo ujeedkeed
Diiwaanadeedi
Hadii daaha laga furo
Dubaaqaga maankiyo
Niyadaadu doontana
Sida webi durdurayo
Dixa oon Go,aynba
La daraa wadaamaha
Doojintiyo ladaabta
Meel dabiib u baahnayd
Dawo looga yeela
Sida duunyo xoolad
Dhulka meesha doogliyo
Daaqsin raysle lagu furay
Duhurkiina dhibic da,ay
Miirale daba maray
Mayguna ku daakiyay
Oo degelka guunyada
Meel dheerba laga diyin
Duxda subaga caanaha
Dihinkiyo gadhoodhkana
La darsado galaasyada
Dhalinyarada doorka ah
Daakiraan ciyaaraha
Damaashad habeenimo
Fiidka u dareeraan
Digo ragashadeedi
Inkastoon la diir ha
Balsaan dulucda sheekada
Ujeedada dareenkale
Dubaaqaygu u rabo
Hoos ugu degoon deyo
Daymadiyo faalada
Dalka aan ku noolahay
Gudaha iyo debadaba
Bulsha wada dadaasho
Dakanooyin badan iyo
Ka tir tiray wax diiqiyo
Kicinaaya doogaha
Diifaha qabiilkiyo
Qiirada durbaanada
Laga tumo duleedke
La dugsado in faro badan
Ka doorbiday midnimo qaran
Dawlad xoogleh oo culus
Calan sudhan dushooda
Iyo kala danbaynto
Denbi ruuxna laga gelin
Midna lagu dulmiyahayn
Qofna dooda uu rabo
Dib u joogso lagu odhan
Hayeshe mala dano
Dun u gaarba tidhi
Daaci iyo qareenaba
Kuwa diinta eebiyo
Ku daakiray xadiisyada
jinba duub u wada xidhay
Dahrigooda badi faray
Dalka nimanka maamula
Ee ay shacabku doorteen
Dacwad lagumo oogo
Waxaa looga dhigay deris
Damiir eexda uun raba
Xaarantiyo dulmiga jecel
Wax isdaba martayntana
Waaba duul ku caanbaxay
Ku darso afxumadana
Diiqa looga dhigay beri
Ku daro waxaa jiraa
Wasiirada dan reernimo
Xilka maalin kaga degin
Oy ka durugtay seefti
Diinarow adeerkeen
Ku darso tusaalaha
Iyagu dararta hooban
Waabay doojiyaan badi
Dulqaadkiyo samaantana
Darajay ku gaadheen
Waa su,aale deeqow
Umiyaha dadkeene
Dacalada aduunyada
Daankastay ka joogan
Talow may ka degaysa
Dadka kalay wax dheeryiin
Deelqaafna maba laha
Dabka baxaya eeshidan
Iyagaaba daaro
Kala haga dariiqyada
Hadaan duur xulkaygiyo
Maah maah ku durugsado
Caano daatay dabadood
Cayntin waa la deyijiray
Daruur hoortay caydhkeed
ruuxi adhi ku doog dhabay
Dacalada xareedo
Wadhan daan kastooy tahay
Ama malabka doocan
Yidhi aniga dookhay
Iyo aniga dabadeed
Hadal qudha dabuubti
Dabadayba lama furo
Wuxuu daaqay ciin iyo
dacar iyo sun waabay
Inkastuu dawaafo
Kolba daaro iyo fooq
Ku dekeeyo quruxdood
Darajooyin kuma lado
Duqay horaan ka haysta
Kolbu daw la maraya
Dhexda deri ku yeesha
Kol inuu dakaamo
Dumo waa u halistii
Hayeeshe dadkaygow
Dal dalooladaadiyo
Meesha aad ka dagantahay
Qofki ka dugsiyi laa
Ku qoolo dabinada
Dolarkana ku dhaafsado
Hayeeshe dadkaygow
Waxaan dood ka taagnayn
Waa Duni xad dhaafto
Is duqaysay idilkeed
Dabaylaha mar gooshe
Duufaanta kiciye
Dakhar aan la dhiyin iyo
Dusha haaro ka baday
Marba  loo dul qaata
Barashaduna waa dahab
Balaan daribta suugaan
Halaan doonayoon rabo
Ama dihin ku daahfuro
Maalintaan dareerne
Dacadnimo codkeeni
Doorashooyin qaaliya
U dawaafnay fulintood
Ugu deeqnay ruuxi
Qorsha diiran laga filay
Haduu meel daleelo
Dhaxan iyo dabayl badan
iyo meel daboorina
Meel lama degaano
Daranyahay kulaylkuna
Sida duunyo xoolad
Dabrayo inagu xidhay
Damiinki hurdaayiyo
Damiir laawe mooye
Maansan wuu damqanaya
Dekedi BERBERA iyo
Dacalada HARGEISANA
Laydhki ka daarna
Dad kalaaba lag gaday
Waa se dan iyo yeelkeed
kol hadaanu deeq iyo
Darmanabada ku dhigin
Dar alle ujeedkana
Wax ku dacal marteeyiyo
Wixii dumay ku suure
Markan daymo eegaba
kuwan Dayrtan maanta ah
Dudeena soo tuban
Codna doonaye raba
Kol hadaan mid dirico
Doojiyo samaha jecel
Laga deyino laga helin
Ay tahay dusheedi
Ninki duhur cad seexda
Dibi dhalay saciisi
Garo daah ma saarne
Da,daasan ka dhigane
Dayinkeena waynba
Deeqihiisa aan go,in
Duul badi sama jecel
Qulubtoodu danihiyo
khayrka diinta nagu suga
Daliilada xadiisyada
Qalinada ku daabaca
dubka  qaar kawada mida
AMa dul iyo hoostaba
Rabow noogu deeq adi
Aanu horumar door wacan
Damashaad ku gaadhne

Carabcase202@gmail.com
Facebook mukhtaar carab
Wa bilaahay tawfiiq

Comments are closed