Magacyada Saraakiil Dawladda Federal-ku u Xidhxidhay Qaraxii Hutel SYL
Muqdisho:Mar,06,2015 (SDN/QJ)-Kadib Baadhitaano muddo qaatay oo Dawladda Federal-ku samaysay, ayaa Aakhirkii keenay in xabsiyada lagu guro saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo Nabad-sugidda, kuwaas oo looga shakiyey inay lug ku lahaayeen Abaabulka qaraxii Hutel SYL.
Saraakiishan ayaa lagu eedaynayaa inay wax ka ogaayeen Qaraxaas, iyagoo qaarkoodna la sheegayo inay dayaceen Hawshii loo igmaday Maalintaas oo Dalka ay kusoo fool lahaayeen Wufuud muhiim ah oo uu Hoggaaminayey Madaxweynaha Waddanka Turkigu.
Saraakiisha la xidhay waxa ay isugu jiraan gaashaanlayaal sare, kuwo dhexe iyo xiddiglayaal, waxa kamid ah
1. Gaashaanle sare Cali Shiinon oo ah taliyaha qaybta bari ee ciidanka booliiska ee gobolka Banaadir,
2. Gaashaanle sare Maxamed Ismaaciil, taliyaha qaybta Waliyow cadde
3. Gaashaanle dhexe Maxamed Daahir, taliyihii hore ee saldhigga Hodan
4. Laba xiddigle C/fitaax Aadan “Biit”
5. Iyo saddex askari oo kale
Saraakiisha xidhan waa madaxdii iyo ciidankii shaqada, maalinta uu qaraxu dhacay gaar ahaana booliska iyo Nabadsugidda ee dagmooyinka Hodan , Waaberi iyo Wardhiigley.
Dhanka kale, Saraakisha la xidhay ayaa waxa ku jiraan 2 Sargaal oo katirsan Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Tiraafikada.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com