|

Wasiirka Duulista “Somaliland Baddeeda, Cirkeeda & Badkeeda midna cid uga tanaasuli-mayso”

Hargeysa 06 March 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa Ergadii Somaliland uga qayb-gali lahayd shirkii wada-hadalada Soomaaliya ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmi lahaa Axaddii toddobaadkan, balse fashilmay, ayaa shacabka kalsooni ugu muujiyey sida ay uga go’an tahay Xukuumad ahaan ilaalinta Hantida Qaranka ee Maamulka Hawada ka midka yahay.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay aanay suuro gal ahayn in wada-halada layska sii wado iyada oo ay Soomaaliya diidan tahay dhaqan-gelinta qodobbadii hore loogu heshiiyey oo maamulka Hawadu ka mid yahay. Waxaanu wasiirku arrimahan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey Bartiisa Facebook.

11021184_10203340452506880_5523552614884155443_nAniga oo aan ka mid ahayn xubnihii guddidaas ee wadahalada hase yeeshee aniga iyo xubno ila socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka hawlaha guud Mudane Cabdirisaaq Khaliif Iyo khuburo kale, in arrimaha hawada si farsamo ah loo galo iyagana dhinacooda ay ka yimaadaan. Shirkii aniga iyo masuuliyiin kale aanu u tagnay wuxuu noqday mid madhalays ah, markii uu hana qaadi kari waayey ee uu qabsoomi kari waayey shirkii guud ee aas-aaska u ahaa ama uu ka farcamayey shirka arrinta maamulka hawada. Waxa aan runtii ku niyad samaysiinayaa in aanay wax werwer ah ka qabin masiirka iyo mustaqbalka maamulka hawadooda,” Sidaas ayuu ku yidhi Qoraalkiisa.

Waxa kale oo uu ku sheegay “Qaranimadaas maanta aan anigu raga Ceelalyadeeda ku jira ka mid ahay, ee wadahadaladeeda iyo baadi doonkeeda aanu wadno, aniga oo maanta Konton jir ah waxaan ku garaad-saday oo aan soo gaadhay xili dhawr iyo sideetanadii xili uu socodo dil, dhac, cunfi iyo wixii shacbiga reer Somaliland ku dhacay, intaas ay Somaliland jiray ayaan Qaranimo ka arkay aniga oo maanta ninkaas weyn ee gaboobay ah, waxay ay markaas taasi muujinaysaa inta iga yar oo dhami waxay ka garan karaan Soomaali weyn in aanay jirin, iyo in la kala baaday.” sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Annagu waxaannu nahay dal madax-bannaan oo jira sharciyan Somaliland waa xaqiiqo jirta, nin neceb iyo nin jecelba, waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidaas darteed haddii ay tahay Baddeeda iyo haddii ay tahay Cirkeeda iyo haddii ay tahay Bedkeeda, mid walba waa mid aanay cidna ugu tanaasulaynin. ma aha nacayb aanu walaaladadyo u qabno , ma aha xumaan aanu walaaladayo u ogol nahay, Soomaalinimada ayaanu ogol nahay, Umadda Soomaaliyeeda waa Qoomiyad ee Qaran ma aha maanta!,”

Qoomiyad Soomaaliyeed oo ballaadhan ayaannu oggol nahay oo kuwa Kiiniya degan, kuwa Jabuuti deggan, kuwa Itoobiya degan ay ka mid yihiin, qoomiyadda Soomaaliyeedna in kor loo qaado, wanaagna la dhex dhigo ayaannu aaammin-sannahay. Waxaas oo dhan ayaanu jecelahay, walaaladayana waxaanu leenahay, waa inay ku xisaabtamaan miisaanka wada-hadalada si sax ah iyo sidii aanu isku fahanay oo hore ay ugu soo noqdaan, calooshooda  iyo niyadoodana ay u sii daayaan Somaliland waxa ay tahay.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiirka Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu yidhi; “Walaalladayo waxaannu isku haysannayaa oo aannu isla dhaafi kari waynay  oo murankeedu taagan yahay maamul Hawo, haddii Soomaali Maamul hawo ku heshiin wayday, qarankii burburay hawadiisii oo maanta laba dal ah, waxay is waydiintu tahay maxaa lagu heshiin karaa? Waxaan leeyahay walaaladayo haddii ay noo quudhi waayeen heshiiskii aanu shalay wada-galnay inay fuliyaan oo ay ixtimaaraan, oo ay diideen in guddida madaxa banaan ay hawada Hargeysa ka maamulaan, oo FIR-ka (Flight Information Region) halkan la dhigo, waxa is weydiin mudan ninka intaad diiday waxa uu noogu yeedhayo, iyo Soomaalinimada waxa uu ku rabo, taasina waxay runtii quus goyn u tahay kuwa ka soo jeeda Isir ahaan Somaliland ee tirada yar ee maanta ku ag warwareegaya Federaalka iyo waxaas.”.

Hargaysa SDN/QJ

contac@qurbejoog.com

Comments are closed